HomeWararDowladda Soomaaliya oo ka digtay khataro ka dhalan kara Roob yari dhacda...

Dowladda Soomaaliya oo ka digtay khataro ka dhalan kara Roob yari dhacda Xiliga dayrta

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyeraadka Biyaha Dawladda Fedraalka ee Soomaaliya oo si dhow ula socota Maraxaladaha adeegyada Saadaasha iyo Kormeerka biyaha (Hydrometeorological Monitoring Services) ee dalka, waxay Wasaaraddu shaacinaysaa in saadaasha xilli-roobaadka dayrta ee nagu soo fool leh ay muujinayso in roobka dayrtu uu aad uga hooseeyo sida caadiga ah (below normal) guud ahaan dalka, marka […]

- Advertisement -

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyeraadka Biyaha Dawladda Fedraalka ee Soomaaliya oo si dhow ula socota Maraxaladaha adeegyada Saadaasha iyo Kormeerka biyaha (Hydrometeorological Monitoring Services) ee dalka, waxay Wasaaraddu shaacinaysaa in saadaasha xilli-roobaadka dayrta ee nagu soo fool leh ay muujinayso in roobka dayrtu uu aad uga hooseeyo sida caadiga ah (below normal) guud ahaan dalka, marka laga reebo qaybo yar oo kamid ah gobollada waqooyi oo iyagu heli doona roobab wanaagsan haduu Alle Idmo. Sidoo kale, waxaa suuragal ah in roobka dayrtu uu ka soo daahi karo Gobolada Koonfurta Iyo Bartamaha Dalka (Late Onset).

Roob yarida la filayo awgeed, heerkulka ayaa suuragal ah in uu aad uga sare maro oo uu gaaro ilaa 40oc, kaasoo sababi kara uumi-bax farabadan oo ku yimaadda roobka yar ee la filayo. Socodka qul-qulka biyaha ee wabiyada Jubba iyo Shabeelle ayaa la filayaa inay si wayn hoos ugu dhacaan. Sidoo kale, Waxaa suuragal ah in Wabiga Jubba uu gaaro meel aad u hoosaysa, deeganada qaarna ay qallalaan ama ay ku dhacdo abaar-biyood darani (Hydro-drought). Afar xilli roobaad oo is xig-xiga oo aan sidi larabay u di’in, meelaha qaarna aynaan wax roob ah helin, ayaa suuragal ah in uu hoos u dhac weyni ku yimaado cabbirka joogga biyaha dhulka hoostiisa sida ceelasha, oo ku xiran roobka.

- Advertisement -

Waxaa kaloo jira in Deegaanno badan ay qiimaha biyuhu uu sare kac ku yimid, taasoo sii laba-jibbaari karta qiimaha biyaha haddii roobka dayrta yaraado.

Hadaba Wasaaradda Tamarta Iyo Kheyraadka Biyaha oo ka falcelinaysa saadaasha xilli roobaadka Dayrta ayaa walaac ka muujinaysa saadaasha taban ee ku aaddan roobka Dayrta oo siwayn loogu baahi qabay, wax wayna ka tari lahayd abaarta daran ee hadda dalka ka jirta. Wasaaradda ayaa ku baaqaysa inay lagama maarmaan tahay in Wasaaradaha Biyaha heer Fedraal, Maamul Gobaleed iyo bah-wadaagtoodu ay xoojiyaan isku xirnaanta iyo wadashaqaynta, una diyaar garoobaan ka jawaabidda biyo-yarida iyo u gargaaridda dadka iyo duunyada.

Latest stories