HomeWararXasan Sheekh oo dib ugu soo celiyey Cabdalla Cabdalla dhammaan darajooyinkii iyo...

Xasan Sheekh oo dib ugu soo celiyey Cabdalla Cabdalla dhammaan darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudade Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xeer Madaxweyne dib ugu soo celiyey Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed, dhammaan darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee uu ku lahaa Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka, si waafaqsan Qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Kumeel-gaar ah. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku saleeyey Xeerkan Madaxweyne, sharciga dhismaha […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudade Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xeer Madaxweyne dib ugu soo celiyey Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed, dhammaan darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee uu ku lahaa Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka, si waafaqsan Qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Kumeel-gaar ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku saleeyey Xeerkan Madaxweyne, sharciga dhismaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka  ee Lr. 14, soona baxay sanadkii 1970-kii, codsi uu soo gudbiyey Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed iyo muhiimadda ay leedahay in dib loo soo celiyo xuquuqdiisa iyo darajooyinkiisa ciidan, si waafaqsan dastuurka iyo sharciyada dalka.

- Advertisement -

“Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed, laga bilaabo maanta oo aan saxiixay xeerkan Madaxweyne, waxa uu xaq u yeelanayaa dhammaan xuquuqda ciidan ee sharcigu uu u ogolyahay, iyadoo xeerkani uu baab’inayo dhammaan wixii xeer ah oo ka horreeyey.”

Xeerkan Madaxweyne ayaa dhaqan galay, Ogoosto 30, 2022, oo ah markii lagu baahiyey faafinta rasmiga ah ee dowladda.

Latest stories