HomeWararWasaaradaha Maaliyadda Dowlad Goboleedyada oo joojiyay wadashaqeyntii Dowladda dhexe

Wasaaradaha Maaliyadda Dowlad Goboleedyada oo joojiyay wadashaqeyntii Dowladda dhexe

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Wasiiradaha  Maaliyadda Dowlad Goboleedyada ayaa shaaciyay inay gebi ahaanba joojiyeen wada shaqeyntii Wasaaradda Maaliyadda ee DFS, kaddib markii ay si bareer u baal martay dhammaan heshiiyadii horay u dhex maray. Kulan foggaan arag ah oo ay yeesheen Shanta wasiir Dowlad goboleed ayaa waxay ku sheegeen in aanay wax wada shaqeyn jiri doonin inta Wasaaradda Maaliyadda […]

- Advertisement -

Wasiiradaha  Maaliyadda Dowlad Goboleedyada ayaa shaaciyay inay gebi ahaanba joojiyeen wada shaqeyntii Wasaaradda Maaliyadda ee DFS, kaddib markii ay si bareer u baal martay dhammaan heshiiyadii horay u dhex maray.

Kulan foggaan arag ah oo ay yeesheen Shanta wasiir Dowlad goboleed ayaa waxay ku sheegeen in aanay wax wada shaqeyn jiri doonin inta Wasaaradda Maaliyadda DFS ku soo laabaneyso xeyndaabka sharci iyo fulinta heshiisyadii ay horay galeen

- Advertisement -

“Wasiiraddaha Wasaaradaha Maaliyadda Dawladaha Xubnaha ka mid ah Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay maanta oo taariikhdu tahay 30th Agoosto 2022 kulan ku yeeshay aaladda fogaan aragga, iyagoo kulankooda diiradda ku saareen wada shaqeynta ay la leeyihiin Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Federaalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay wasaradaha.

Wasiiradaha ayaa ku eedeyay in Wasaaradda maaliyadda Dowladda dhexe ay ka baxday hesiisyo dhowr ah, waxaana ay sheegeen in gabi ahaanba ay joojiyeen wadashaqeyntii ay la lahaayeen.

“Wasiiraddu iyagoo tixraacaya heshiisyadii wada shaqeynayd ee u dhaxeeyey Wasaraaddda Maaliyadda Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha Maaliyadda ee Dawladda Xubnha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya ee kala ahaa:

- Advertisement -
  1. Heshiiskii Addis-Ababa ee September 2019
  2. Heshiiskii Kismaanyo ee November 2019
  3. Heshiiskii Kampala ee December 2019
  4. Heshiiskii Nairobi ee January 2020.
  5. Heshiiskii Muqdisho ee August 2020.

Heshiisyadaas oo dhammaan lagu gaaray wada tashi iyo wadar ogol.

Haddaba, markay caddaatay in Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Federaalka Soomaaliya ay si bareer ah u baalmartay, una jabisay heshiisyada sare ku xusan, waxaa laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 30th Agoosto, 2022 Wasaaradaha Maaliyadda Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya ee Puntland, Jubbaland, Galmudug, Konfur-galbeed iyo Hirshabeele joojiyeen dhammaan wada shaqeynta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya inta ay Wasaaraddu ku soo laabanayso xayndaabka sharci iyo fulinta heshiisyada kor ku xusan ayaa lagu yiri Qoraalka Wasaaradaha..

Warqadda ayaa waxaa kus axiixan wasiirada kala ah:

  1. Xasan Shire Cabdi

Wasiirka Maaliyadda Puntland

  1. Farxaan Cali Maxamuud

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Galmudug

  1. Xussen Xirsi Axmed

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Jubaland

  1. Axmed Maxamed Xussen

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Koonfur-Galbeed

  1. Cali Cabdalle Nuur

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Hirshabeele

Latest stories