HomeWararShirka horumarinta Africa oo maalintii 2-aad galay & RW Xamse oo khudbad...

Shirka horumarinta Africa oo maalintii 2-aad galay & RW Xamse oo khudbad jeedinaya

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Magaalada Tunis ee caasimadda waddanka Tuniisiya ayaa waxaa maalintii labaad ka socda Shirka caalamiga ee Tokyo ee horumarinta Africa (TICAD) oo ay ka qeyb galayaan Madax ka socota dalalka qaaradda Afrika iyo hay’adaha caalamka. Shirka oo shalay furmay ayaa waxaa diirada lagu saarayaa iskaashiga dalalka qaaradda Afrika iyo dowladda Japan, Isbeddelka cimilada, kor u qaadida […]

- Advertisement -

Magaalada Tunis ee caasimadda waddanka Tuniisiya ayaa waxaa maalintii labaad ka socda Shirka caalamiga ee Tokyo ee horumarinta Africa (TICAD) oo ay ka qeyb galayaan Madax ka socota dalalka qaaradda Afrika iyo hay’adaha caalamka.

Shirka oo shalay furmay ayaa waxaa diirada lagu saarayaa iskaashiga dalalka qaaradda Afrika iyo dowladda Japan, Isbeddelka cimilada, kor u qaadida Ganacsiyada u wanaagsan deegaanka iyo cuntada yarida ka jirta Afrika, kadib duullaankii Ruushka ku qaadey Ukraine.

- Advertisement -

Madaxda ka qeyb galeysa Shirka ayaa waxaa kamid ah Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, waxaana Maanta uu Shirka jeedin doonaa khudbad uu kaga hadlayo arrimo kala duwan oo ku aadan Afrika iyo dowladda Somalia.

Waa Shirkii sideedaada ( 8aad) ee noociisa oo kala ah, markii labaadna lagu qabto qaaradda Afrika.

Madasha Shirka ayaa waxaa isugu yimid madaxda wadamada Afrika iyo wafdiyo ka socda hay’adaha caalamka, si looga wada xaajoodo arrimaha mudnaanta u leh dardargalinta horumarka Afrika.

Latest stories