HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta Warbixino laga siiyay xaaladdo ka jira Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta Warbixino laga siiyay xaaladdo ka jira Puntland

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Ku-xigeenkiisa Axmed Karaash ayaa warbixinno ka dhageystay Hay’adaha iyo Wakaaladaha Horumarinta Biyaha, Waddooyinka iyo Maareynta Kheyraadka, Maamulka Bangiga Dhexe iyo Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka heer dowlad-goboleed ee Puntland. Madaxweynaha ayaa kormeeray xarummaha Wasaaradaha Maaliyadda, Caafimaadka, Arrimaha Gudaha, Deegaanka iyo […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Ku-xigeenkiisa Axmed Karaash ayaa warbixinno ka dhageystay Hay’adaha iyo Wakaaladaha Horumarinta Biyaha, Waddooyinka iyo Maareynta Kheyraadka, Maamulka Bangiga Dhexe iyo Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka heer dowlad-goboleed ee Puntland.

Madaxweynaha ayaa kormeeray xarummaha Wasaaradaha Maaliyadda, Caafimaadka, Arrimaha Gudaha, Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Puntland, taas oo qeyb ka ah qorshaha Madaxweynaha ee xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha Dowladda ee heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, xog-ururinta duruufaha ku xeeran deegaannada dalka, dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah waxa loogu argagixisada iyo xaqiijinta midnimada iyo wax-wada lahaanshaha shacabka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa loo soo bandhigay warbixinno ku saabsan xaaladda abaaraha deegaannada Puntland, saameynta isbeddelka cimilada iyo deegaanka, waxa uuna adkeeyey muhiimadda ay leedahay in wadajir loogu istaago samata-bixinta dadkeenna ku dhibaateysan deegaannada ay ka jiraan abaarahu.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in mideynta hannaanka maaliyadeed iyo amni ee dalka ay aas-aas u tahay xal u helista caqabadaha nololeed ee ku xeeran shacabka Soomaaliyeed, isagoo kula dardaarmay Madaxda Xarummaha iyo Wasaaradaha heer dowlad-goboleed ee uu kormeeray in ay doorkooda ka qaataan dowladnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Latest stories