HomeWararAkhriso: Nuxurka khudbadii RW Xamse Barre uu ka jeediyey Shirka ka socda...

Akhriso: Nuxurka khudbadii RW Xamse Barre uu ka jeediyey Shirka ka socda Tunisia?

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ee TICAD8 ee ka socda magaalada Tunis ee dalka Tunisia, ayaa tilmaamay  muhiimadda ay taagerada dowladda Japan u leedahay xasillinta amniga iyo dhismaha hay’adaha dowladda. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in amniga iyo degenaanshaha ay yihiin wax aan gorgortan laga geli karin,  […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ee TICAD8 ee ka socda magaalada Tunis ee dalka Tunisia, ayaa tilmaamay  muhiimadda ay taagerada dowladda Japan u leedahay xasillinta amniga iyo dhismaha hay’adaha dowladda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in amniga iyo degenaanshaha ay yihiin wax aan gorgortan laga geli karin,  si horumar bulsho iyo isku filnaansho dhaqaale loo helo, isagoo xusay in isbadelka cilmillada iyo colaadaha dunida ka jira ay saameyn xoog leh ku yeesheen nolosha bulshada, xili dalka ay ka jiraan abaaro saameeyey dadka iyo duunyada.

- Advertisement -

“Waxaan jeclaan lahaa in aan qiro, muhiimadda ay leedahay Kaalmada Japan, gaar ahaan, dadaallada kor loogu qaadayo tayada booliiska iyo hay’adaha amniga, bixinta nidaamyada isgaarsiinta ee Booliiska Soomaaliya iyo taageerada warshadaha gudaha ee muhiimka ah, si kor loogu qaado shaqada loona hagaajiyo hab-nololeedyada”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Xamse ayaa xusay ahmiyadda ay leedahay taageerada dowladda Japan ee xiligan, si looga miro dhalayo hadafyada waaweyn ee la higsanayo ee dhinacyada amniga, wax ka qabashada colaadaha, abaaraha iyo isbeddelka cimillada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa inta uu socday shirka caalamiga ee TICAD8, kulamo doceedyo la yeeshay madaxda ka qeyb galaysa shirka, isagoo kala hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya.

Latest stories