HomeWararWafdi hordhac u ah Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Garoowe

Wafdi hordhac u ah Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Garoowe

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa waxaa Maanta kusii jeeda wafdi hordhac u ah safar Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku tegayo Magaaladaas, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo. Wafdiga hordhaca u ah Madaxweynaha ayaa waxaa hoggaamin doona Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda oo ayna qeyb ka yihiin Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka, […]

- Advertisement -

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa waxaa Maanta kusii jeeda wafdi hordhac u ah safar Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku tegayo Magaaladaas, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo.

Wafdiga hordhaca u ah Madaxweynaha ayaa waxaa hoggaamin doona Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda oo ayna qeyb ka yihiin Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka, kuwaasi oo saacadaha soo socda gaaraya Garoowe.

- Advertisement -

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wararku sheegayaan in Garoowe u tagayo sidii uu xal ugu heli lahaa tabashooyin maamulka uu hoggaamiyo Saciid Cabdullaahi Deni ka qabaan dowladda Federaalka iyo sidii maamulkaasi u taageeri lahaa xukuumadda cusub.

Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu maalinta berri oo khamiis ah u safrayo Garoowe, wuxuuna halkaas kulamo kula yeelan doonaa Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo damac uga jiray xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya in loo magacaabo ayaa saluugay magacaabista Xamse Barre oo kasoo jeeda Jubbaland, waxa ayna taasi keentay in khilaaf hoose soo kala dhax galo Dowladda iyo Puntland.

Latest stories