HomeWararHowlgallo Culus oo ka billawday degnaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan

Howlgallo Culus oo ka billawday degnaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Ciidamada dowladda Federaalka ah ee  Soomaaliya ayaa saacadihii ugu dambeyay waxaa ay howlgallo Culus oo amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyay deegaanno dhaca galbeedka magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan. Howlagaladda Saaka laga sameeyay degaanadaasi ayaa waxaa horkacay masuuliyiinta laamaha amniga Gobolka Hiiraa, waxaana hor kacayay Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda iyo siyaasadda maamulka Gobolka Hiiraan Abuukar […]

- Advertisement -

Ciidamada dowladda Federaalka ah ee  Soomaaliya ayaa saacadihii ugu dambeyay waxaa ay howlgallo Culus oo amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyay deegaanno dhaca galbeedka magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Howlagaladda Saaka laga sameeyay degaanadaasi ayaa waxaa horkacay masuuliyiinta laamaha amniga Gobolka Hiiraa, waxaana hor kacayay Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda iyo siyaasadda maamulka Gobolka Hiiraan Abuukar Cabdullahi Maadeey ayaa hoggaaminayay howlgalkaasi waxaana qeyb ka ahaa guddoomiyaha degmada Beledweyne Cismaan Dhicisoow Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha bulshada Gobolka Hiiraan Cali Cismaan Xuseen  Abaanduulaha qeybta 27-aad Kor. Isaaq Cismaan Idris iyo masuuliyiin kale.

- Advertisement -

Ciidanka ayaa intii howlgalku socday waxaa ay tageen denaanno dhowr ah oo gobolkasi k tirsan, waxaana ka mid ah degaanada sida gaarka ah ay saaka howlgalka kaga sameeyen  Jaburow, Ceelka Bar Wardhabelo iyo Dondheere  kuwaas oo horay AL-Shabab ugu sugnaayaan.

Howlgalka kadib saraakiisha Ciidanka guutada 5-aad qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga dalka oo warbaahinta la hadlay ayaa guulo ka sheegtay howlgalkaasi.

Maal mihii ugu dambeeyay howlgallo Culus ayaa ka socday deganaada Maamulka Hirsahbeelle, waxaana Gobolka Hiiraan ku sugan masuuuliyiintii ugu sarreysay ammaanka dalka oo ay ka mid yihiin Taliyaha Ciidanka Xoogga iyo Wasiirka difaca Dowladda Soomaaliya.

- Advertisement -

Waxaana sidoo kale Gobolka Hiiraan ku sugan masuuliyiinta ugu sarreysa Maamulka Hisrahbeelle oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Maamulkaasi Cali Guudlaawe Xuseen.

Latest stories