HomeWararWafdi Ka Socda Hay’adda UNICEF oo gaaray Magaalada Garoowe

Wafdi Ka Socda Hay’adda UNICEF oo gaaray Magaalada Garoowe

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wafti Ka Socda Hay’adda UNICEF Soomaaliya oo ay hogaaminayso Wafaa Alfadil Madaxa UNICEF Somaaliya ayna qayb ka yihiin madaxda xafiiska Puntland ayaa booqday Cisbitaalka Guud ee Garowe waxaana ku soo dhaweysay agaasimaha Cisbitaalka Hodan Cali Shire, waxaa sidoo kale waftiga kormeerkooda ku wehelinayay agaasimayaasha Qorshaynta iyo Adeega caafimaadka Asaasiga ah ee wasaaradda caafimaadka.

Waxay ugu horay kormeereen dhismaha cusub ee cisbitaalka oo socda waxayna warbixin ka dhagaysteen Engneerka uqaabilsan hay’adda Dhismaha iyo kuwa dhisaya, waxay bogaadiyeen shaqada wanaagsan ee horumarka leh ee ka socda cisbitaalka.

Kadib waxay booqdeen qaybta quudinta iyo daawaynta “stabilization center” waxayna dhakhaatiirta joogtay ka waraysteen sida ay ushaqayso iyo adeegyada laga bixiyo waxay inta ay joogeen kula kulmeen caruur cisbitaalka ku dhashay oo loo samaynayo  wado nafaqayn iyo quudin, qaybtoodna ay soo fiicnaadeen.

Hooyooyinka ay kula kulmeen ayay ka waraysteen adeega loo sameeyay waxayna uga warbixiyeen xaalada ilmaha meelaha ay ka yimaadeen iyo adeega loo sameeyay wayna ka mahadceliyeen.

Ugu danbeyn waxay bogaadiyeen adeega cisbitaalka ka socda iyo horumarka laga sameeyay.

Agaasime Hodan Ali Shire ayaa dhankeeda uga mahadcelisay hay’adda UNICEF wada shaqaynta wanaagsan ee kala dhaxaysa Wasaaradda gaar ahaan Cisbitaalka iyo dhismaha quruxda badan ee ay qaybta ka yihiin.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories