HomeWararFaah faahin: Mas’uul ka tirsanaa Maamulka Puntland oo lagu dilay Magaalada Gaalkacyo

Faah faahin: Mas’uul ka tirsanaa Maamulka Puntland oo lagu dilay Magaalada Gaalkacyo

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Wararka aan ka heleyno Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhanka xigta Puntland ayaa waxaa ay sheegayaan in fiidnimadii xalay halkaasi lagu dilay mid kamid ah shaqaalaha Wasaaradda Maaliyada dowlad Goboleedka Puntland.

Rag ku hubeysan Bastoolado ayaa rasaas dhowr ah qeybaha sare ee jirka uga dhuftay Mas’uulka ka tirsanaa Wasaaradda Maaliyada Puntland, kaasi oo lagu magacaabi jiray C/raxmaan Maxamed Cabdi, waxaana falkaas uu ka dhacay xaafad ka tirsan Gaalkacyo.

Kooxihii ka dambeeyay dilka khaarijinta ahaa ayaa durbadii goobta ka baxsaday, waxaana intaas kadib gaaray halka uu dilka ka dhacay Ciidanka ammaamka Magaalada oo bilaabay howlgalo lagu raadinayey dadkii ka fuliyey falkaas oo heybtooda la garan.

Saraakiil ka tirsan Laamaha Amniga Puntland ayaa sheegay inay wadaan weli howlgalka, isla markaana aysan jirin weli cid loo soo qabtay dilkii xalay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug loogu geystay Marxuum Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi.

Gaalkacyo oo labada dhinac ay kala kala maamulaan Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa marar kala duwan horey loogu dilay mas’uuliyiin, Saraakiil Ciidan iyo Nabaddoono, Al-shabaab ayaa sheegta dilalka loo geysto mas’uuliyiinta iyo saraakiisha ciidan.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories