HomeWararMW Xasan Sheekh oo Maanta dalka ka sagootiyey Safiir dhammeystay muddo xileedkiisa

MW Xasan Sheekh oo Maanta dalka ka sagootiyey Safiir dhammeystay muddo xileedkiisa

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan sagootin ah la qaatay Safiirkii Dowladda Kenya u joogay dalka Lucas K. Tumbo  oo dhammeystay muddo xileedkiisa diblomaasiyadeed ee uu uga howl-gelayey dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in Danjire Lucas K. Tumbo uu ka howlgalayey gudaha dalka muddo dheer, taas oo ka dhigan in […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan sagootin ah la qaatay Safiirkii Dowladda Kenya u joogay dalka Lucas K. Tumbo  oo dhammeystay muddo xileedkiisa diblomaasiyadeed ee uu uga howl-gelayey dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in Danjire Lucas K. Tumbo uu ka howlgalayey gudaha dalka muddo dheer, taas oo ka dhigan in uu wax badan ka fahmay hiddaha iyo dhaqanka wanaagsan ee shacabka Soomaaliyeed oo ku saleysan iskaashi, is-ixtiraam iyo daris wanaag oo dhammaantood jihaaye u ah dowladnimada iyo diblumaasiyadda Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Dhankiisa, Danjire Lucas K. Tumbo ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran iyo garab istaagga ay u muujiyeen, waxa uuna tilmaanay dadaalka uu ku bixiyey xoojinta xiriirka soojireenka ah ee ka dhaxeeya Labada shacab.

Latest stories