HomeWararErgeyga Abaaraha dalka oo Warbixin siiyey qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka

Ergeyga Abaaraha dalka oo Warbixin siiyey qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka

Date:

Related stories

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta kulamo kala duwan la qaatay danjirayaasha Mareykanka iyo UK , Md. Larry E. Andre iyo Marwo Kate Foster. Ergeyga ayaa safiirrada la wadaagay marxaladda abaaraha baahsan ee dalka ka jira oo ay ugu danbeeyeen xaaladaha qallafsan […]

- Advertisement -

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta kulamo kala duwan la qaatay danjirayaasha Mareykanka iyo UK , Md. Larry E. Andre iyo Marwo Kate Foster.

Ergeyga ayaa safiirrada la wadaagay marxaladda abaaraha baahsan ee dalka ka jira oo ay ugu danbeeyeen xaaladaha qallafsan ee uu ku soo arkay degaannada uu socdaalka ku tagay. Sidoo kale, wuxuu danjirayaasha ka dhageystay halka ay marayaan dadaallada safaaraduhu wadaan ee lagu garab istaagayo dadka abaaruhu saaameeyeen.

- Advertisement -

Safiirka Maraykanka Larry Andre ayaa Egeyga faahfaahin ka siiyey sida hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa kale ee gargaarka la shaqeeya loogu kala qoondeeyay, hab-maamulka deeq dheeraad ah oo gaareysa $476 milyan oo Mareykanku dhawaan ku kordhiyay tirada lacagta guud ee uu ugu deeqay Soomaaliya sanadkaan.

Ergeyga ayaa uga mahadceliyay dowladda Mareykanka deeqda iyo dadalka is barbar socda ee ay la garab taagan tahay dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen, isagoo ugu baaqay dowladaha kale in ay ku daydaan dowladda Mareykanka oo ay garagaarka iyo garab istaagga dadka wax-yeellada abaaurtu gaartay xoojiyaan.

Dhanka kale, Ergeygu wuxuu dhinacyada kala hadlay sidii diiradda loo saari lahaa in indhaha caalamka lagu soo jeediyo abaarta daran ee ka taagan Gobolka Geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya, inta lagu guda jiro shirka heerkiisu sarreeyo ah ee looga hadlayo gurmadka abaaraha ee ka dhacaya Qaramada Midoobay.

Latest stories