HomeWararLaamaha amniga oo gacanta kusoo dhigay Rag burcad ah oo Gaari ku...

Laamaha amniga oo gacanta kusoo dhigay Rag burcad ah oo Gaari ku dhacay Muqdisho

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gacanta kusoo dhigay rag burcad hubeysan oo 22-kii bishii July 2022 gaari nooca raaxada ah ku dhacay qeyb kamid ah degmada Howlwadaag ee Gobolkaan Banaadir. Ciidanka Booliska oo howlgalo kala duwan sameeyay ayaa ku guuleystay inay gacanta kusoo dhigaan burcada hubeysan ee gaariga dhacay oo uu horjooge u ahaa Askari […]

- Advertisement -

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gacanta kusoo dhigay rag burcad hubeysan oo 22-kii bishii July 2022 gaari nooca raaxada ah ku dhacay qeyb kamid ah degmada Howlwadaag ee Gobolkaan Banaadir.

Ciidanka Booliska oo howlgalo kala duwan sameeyay ayaa ku guuleystay inay gacanta kusoo dhigaan burcada hubeysan ee gaariga dhacay oo uu horjooge u ahaa Askari kamid ah Ciidanka dowladda, kuwaasi oo laga soo qabtay degmada Kaaraan ee Gobolka.

- Advertisement -

Talisak Booliska ayaa gaariga xalay kusoo bandhigay Saldhiga degmada Howlwadaag, waxaana Milkiilaha gaariga la dhacay oo la hadlay warbaahinta u sheegay in markii hore gaariga laga qaatay wiil walaalkiis ah oo xilligaas gaariga watay.

Shariif Xidig oo ah milkiilaha gaariga ayaa tilmaamay in burcada gacanta lagu soo dhigay ay qaab Ciidan ahaan gaarigiisa ku dhaceen, wuxuuna xusay in gaariga ay wadada u galeen, kadibna walaalkiis ay tooreey qeybaha sare ee jirka ka saareen, kadibna qaateen.

Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Howlwadaag Najiib Carab ayaa sheegay in howlgalo kala duwan oo ay sameeyeen kusoo qabteen burcadii gaariga dhacday, kuwaasi oo laga soo qabtay xaafadda Buula-maaxaay, isla markaana sharciga raggas la horgeynayo.

- Advertisement -

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii ugu dambeeyay kusoo badanayey falalka amni darro sida, dilalka qorsheysan, burcada dhaca u geystay shacabka kunool Magaalada iyo kooxa burcada kale ah ee Ciyaal weerada.

Latest stories