HomeWararUrur Goboleedka IGAD oo Maanta Shir uga furmay Magaalada Muqdisho

Urur Goboleedka IGAD oo Maanta Shir uga furmay Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasiir Wasaaradda Kaluumeysiga XFS Cabdullaahi Bidhan Warsame ayaa maanta si rasmi ah u furay shirka wadamada ku midoobay Urur goboleedka IGAD kaas oo ka furmay Magaaladda Muqdisho.

Shirkaan oo ay ka soo qeyb galaleen wufuud ka socotay 8 wadan oo wadamada geeska Afrika ee IGAD ku mideysan ayaa looga hadlayaa sidii looga faa’ideysan lahaa khayraadka biyaha ee Badda iyo Wabiyadda( Blue economy) oo ay wadamadaan hodan ku yihiin.

Shirkan oo ah aqoon is weydaarsi heerkiisu sareeyo ayay noqoneysaa kii ugu horeysay ee Soomaaliya lagu qabto oo heerkaas gaarsiisan waxaana wadan kasta shirka ku soo bandhigay khayraadka biyo ee uu leeyahay ayadoo la baran doono inta shirku socdo hanaanka ugu wanaagsan ee khayraadka looga faa’ideysan karo asaga oo wadan kasta dagsan doono istiraatiijiyad u gooni ah oo uga shaqeysan karo ka faa’ideysiga khayraadkiisa.

Soomaaliya oo shirkaan lagu qabanayo ayaa ah wadanka ugu xeebta dheer Afrika eek a faa’ideysan kara khayraadka waxaana shirka goobjoog ah Masuuliyiin ka socota Wasaaradda Kaluumeysiga, Wasaaradda Arimaha Dibadda XFS iyo madaxa IGAD ee Soomaaliya u fadhiya.

Shirkaan ayaa la soo xiri doonaa maalinka barri ah waxaana la rajeynayaa in wadamada geeska Afrika ay ka faa’ideystaan khayraadkooda.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories