HomeCaalamkaWasiirka Arrimaha Debadda dalka Ruushka oo booqasho ku tegey Masar

Wasiirka Arrimaha Debadda dalka Ruushka oo booqasho ku tegey Masar

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Debadda ee Ruushka Sergey Lavrov ayaa booqasho ku tegey dalka Masar isaga oo magaalada Qaahira kula kulmay madaxweynaha dalka Masar Cabdil Fattax al-Sissi iyo Wasiirka Arrimaha Debadda Sameex Shukri, si ay uga wadahadlaan qodobo kala duwan oo ay ka mid yihiin, dedaallada lagu soo afjarayo xiisadda ka taagan dalka Ukraine, tallaabada dib loogu soo celinayo dhoofinta sareenka ee Ruushka iyo Ukraine, heshiisyo ganacsi oo wadajir ah, colaadaha gobolka ka taagan iyo weliba inay ka wada hadlaan wershed tamarta Nukliyeerka ku shaqaysa oo Ruushku ka bilaabay inuu ka dhiso xeebta waqooyi ee dalka Masar.

Safarka wasiirka arrimaha debedda ee Ruushka ayaa noqonaya lugtiisii ugu horraysay ee safaro uu ku gaalaa-bixin doono qaaradda Afrika. Dalalka Masar iyo Ruushka ayuu ka dhexeeyaa xidhiidh ganacsi oo xooggan oo ku kacaya 4 illaa 5 billion oo dollar sannadkii, hase ahaatee waxaa ganacsigaas carqaladeeyey xanuunkii Covid19 iyo xiisadda dalka Ukraine, waxaana taasi ay saamayn xooggan ku yeelatay dhinaca dalxiiska, iibka sarreenka iyo dhoofinta tamarta.

- Advertisement -

Latest stories