HomeCaalamkaSawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Qaahira

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Qaahira

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha si diirran ugu soo dhaweeyey Wasiirka Maaliyadda Masar Maxamed Muciid, diblomaasiyiin iyo sarakiil ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalkaas. Madaxweynaha ayaa dhiggiisa dalka Masar Cabdulfataax Al-siisi, la yeelan doona wadahadallo ku saabsan sidii […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha si diirran ugu soo dhaweeyey Wasiirka Maaliyadda Masar Maxamed Muciid, diblomaasiyiin iyo sarakiil ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalkaas.

Madaxweynaha ayaa dhiggiisa dalka Masar Cabdulfataax Al-siisi, la yeelan doona wadahadallo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan iskaashiga dhaqaale iyo diblumaasiyadeed, la dagaallanka argagixisada iyo dib u soo celinta doorka dowladda Masar ay ka qaadato horumarinta waxbarashada dalka.

- Advertisement -

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Masar waxa uu kulan la qaadan doonaa Madaxa Ururka Jaamacadda Carabta Axmed Abuu Al-qeyd, iyagoo ka arrinsanaya qorsheyaasha heer Carbeed ee midnimada iyo wax-wada qabsiga dalalka ku mideysan Jaamacadda Carabta oo Dowladda Soomaaliya ay ka tahay xubin muhiim ah.

Dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa waxa ay wadaagaan xiriir qoto-dheer  oo ku saleysan iskaashi dhaqaale, ganacsi, waxbarasho iyo wax wada qabsi.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts