HomeWararIsbaheysi ka dhan ah Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen oo looga dhawaaqay Muqdisho

Isbaheysi ka dhan ah Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen oo looga dhawaaqay Muqdisho

Date:

Related stories

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho looga dhawaaqay Isbaheysi siyaasadeed oo loogu magac daray Golaha Samata-bixinta Koonfur Galbeed Soomaaliya, kadib kulan ay yeesheen siyaasiyiin iyo dhallinyaro farabadan oo kasoo jeeda Maamulkaas. Isbaheysigaan oo ka dhan ah Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa waxaa ku mideysan Madax hore, Xildhibaano hore, Siyaasiyiin iyo dhalinyaro, kuwaasi oo qaarkood ku jiraan […]

- Advertisement -

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho looga dhawaaqay Isbaheysi siyaasadeed oo loogu magac daray Golaha Samata-bixinta Koonfur Galbeed Soomaaliya, kadib kulan ay yeesheen siyaasiyiin iyo dhallinyaro farabadan oo kasoo jeeda Maamulkaas.

Isbaheysigaan oo ka dhan ah Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa waxaa ku mideysan Madax hore, Xildhibaano hore, Siyaasiyiin iyo dhalinyaro, kuwaasi oo qaarkood ku jiraan xubno siyaasiyiin ah oo loo soo diiday kuraas Xildhibaanimo.

- Advertisement -

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Golaha shacabka Muudeey, Madaxweynihii hore ee Koofur Galbeed Shariif Xasan, Sii-hayaha xilka Wasiirka Haweenka Soomaaliya Xaniifa Xaabade iyo xubno kale oo farabadan ayaa kasoo muuqday Madasha lagu dhawaaqay.

Siyaasiyiinta ku jira Isbaheysiga looga horjeedo Madaxweyne Lafta-gareen oo kulanka ku dhawaaqdista Isbaheysiga ka hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in muddo xileedka Lafta-gareen ay ku egtahay dhammaadka sanadkaan, balse isago waxa uu ku doodayaa in sanadka danbe dhamaadkiisa uu xilkiisa ku egyahay.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta ku jira madasha ayaa waxaa kuraas Xildhibaanimo kasoo waayay dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, waxaana kamid ah Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Jawaari, Guddoomiye Muudey, Shariif Xasan, Xaniifa Xaabade iyo xubno kale.

- Advertisement -

Si kastaba ha’ahaatee ku dhawaaqista Isbaheysigan cusub ee loogu magac daray Golaha Samata-bixinta Koofur Galbeed ayaa ku soo beegmay, iyada oo Maanta uu dib ugu soo laabtay Muqdisho Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.

Latest stories