HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo dalka dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalka dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Digniin culus: Farmaajo oo Mareykanka kula Wadaagay khilaafka doorashada

Farmaajo oo kulan la qaatay diblomaasiyiinta Mareykanka, kuna digay doorasho hal dhinac ah. “Mucaaradku ma aqbali doono,

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta cusub

Soomaaliya: Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdifitaax Qaasim.

HIQ oo xiray tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gebagebeysay tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku saabsan hagaajinta xiriirka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti ku joogay dalkaas ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa si diirran ugu soo sagootiyey Garoonka Diyaaradaha magaalada Jabuuti, Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada dalkaas, Saraakiil ciidan iyo cutubyo ka tirsan baambayda dalkaas oo salaan sharaf ku maamuusay sagootinta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti soo dhaweynta diirran iyo martiqaadka heerka sare ah ee ay ku maamuuseen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna tilmaamay in booqashadan miro-dhalka ah ee uu ku tagay dalkaas iyo wadahadalladii ay wada yeesheen Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ay ka markhaati kacday walaalnimada iyo wada jirka ka dhexeeya Labada shacab ee walaalaha ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xaqiijiyey mudnaanta ay siineyso Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya xoojinta xiriirka dalkeennu la leeyahay dalalka Gobolka iyo xaqiijinta Soomaali heshiis la ah dariskeeda, taas oo muhiim u ah mustaqbalka iyo horumarka dalkeenna.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku suganaa Jabuuti waxa uu kulan la qaatay walaalkiis Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, isagoo hadal ka jeediyey Xarunta Baarlamaanka Jabuuti, ugana xog warramay xaaladda dalkeenna iyo duruufaha ku xeeran, ahmiyadda xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo doorkooda wadajirka ah ee ku aaddan horumarka iyo xasilinta Gobolka.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories