HomeWararMas’uul ka tirsanaa Dowladda oo u geeriyooday dhaawac ay u geysteen Rag...

Mas’uul ka tirsanaa Dowladda oo u geeriyooday dhaawac ay u geysteen Rag hubeysan

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Waxaa xalay Isbitaal ku yaalla Magaalada  Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ku geeriyooday Madaxii hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda ee dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiyey Gaalkacyo, kaasi u dhintay dhaawac kasoo gaaray Madaxa. Rag hubeysan oo watay Bastoolado ayaa habeen hore Cilmi Cali Guuleed oo ahaa Madaxii hay’adda socdaalka ku furay rasaas xoogan oo waxyeelo ka […]

- Advertisement -

Waxaa xalay Isbitaal ku yaalla Magaalada  Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ku geeriyooday Madaxii hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda ee dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiyey Gaalkacyo, kaasi u dhintay dhaawac kasoo gaaray Madaxa.

Rag hubeysan oo watay Bastoolado ayaa habeen hore Cilmi Cali Guuleed oo ahaa Madaxii hay’adda socdaalka ku furay rasaas xoogan oo waxyeelo ka gaarsiisay qeybaha sare ee jirkiisa, isla markaana uu soo gaaray dhaawac halis ah, lana geeyay Isbitaal.

- Advertisement -

Marxuum Cilmi Guuleed ayaa Isbitaalkii loo geeyay in xaaladdiisa Caafimaad lagula tacaalo ugu geeriyooday dhaawacii ay u geysteen raggii hubeysnaa oo isla habeen hore falka kadib goobta ka baxsaday, sida ay sheegayaan wararka laga helayo Gaalkacyo.

Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada weerarka lagu khaarijiyey Madaxii hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiyey Gaalkacyo, balse inta badan dilalka dadka mas’uuliyiinta loo geysto ayaa waxaa sheegta Al-shabaab.

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug oo ay labada dhinac ka kala maamulaan Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa dhowr jeer oo horey sidaan oo kale loogu dilay Nabaddoono caan ka ahaa Gobolka, Mas’uuliyiin, Saraakiil Ciidan  iyo dad kale.

Latest stories