HomeWararFaah faahin: Qarax Is-miidaamin ah oo lagu weeraray Hotel ku yaalla Magaalada...

Faah faahin: Qarax Is-miidaamin ah oo lagu weeraray Hotel ku yaalla Magaalada Jowhar

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Wararka aan ka heleyno Magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas dhowr daqiiqo kahor uu ka dhacay xoogan oo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafaddaha kala duwan ee Magaalada. Qaraxa ayaa waxaa uu ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo lagu weeraray Hotel lagu magacaabo […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno Magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas dhowr daqiiqo kahor uu ka dhacay xoogan oo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafaddaha kala duwan ee Magaalada.

Qaraxa ayaa waxaa uu ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo lagu weeraray Hotel lagu magacaabo Nuur Doob oo ku yaalla Magaalada Jowhar, waxaana jugta qaraxa dib la maqlay rasaas xoogan oo ay fureen Ciidamo.

- Advertisement -

Warar hordhac ah oo la helayo ayaa sheegaya in Hotelka ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Maamulka Hirshabeelle iyo dad shacab ah, isla markaana uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, burbur hantiyadeed, sida lagu arkay muuqaalo.

Qaraxa oo ahaa mid aad u xoog badan ayaa dhulka dhigay hotelka la weeraray ee Nuur Doob iyo hoteelo kale oo ku dhegan, waxaa sidoo kale qaraxa uu waxyeelo gaarsiiyay goobo badan oo magaalada katirsan.

Hotelka la qarxiyay ayaa la tilmaamay in ay degan yihiin inta badana ka cunteeyaan mas’uuliyiin katirsan maamulka Hirshabeelle iyo siyaasiyiin, walina si dhab ah looma oga khasaaraha qaraxan ka dhashay inta uu dhan yahay.

Latest stories