HomeWararXasan Sheikh Maxamuud oo kulamo siyaasadeed ka billaabaya Turkiga

Xasan Sheikh Maxamuud oo kulamo siyaasadeed ka billaabaya Turkiga

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayey oo soo gaaray dalka Turkiga ayaa waxaa si diirran u soo dhaweeyey Wasiirka Waxbarashada dalka Turkiga Mudane Mahmut Özer, Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Mudane Jaamac Cabdullahi Caydiid iyo qaar ka mid ah diblomaasiyiinta shisheeye ee dalkan ku sugan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo casuummad rasmi ah ka helay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa wadahadalladooda xoogga ku saari doona adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dowladood, amniga, ganacsiga iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee ay labada dal wadaagaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda inta uu ku guda jiro booqashada waxa uu la kulmi doonaa Bulshada kala duwan ee Soomaaliyeed sida Jaaliyadda Iyo ganacsatada si uu uga xog-wareysto xaaladdooda guud iyo horumarrada ay sameeyeen.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu booqan doonaa Dugsiga Tababbarada Kumaandoosta ee Isparta l, halkaas oo ay tababbar ku qaataan qaar ka mid ah Ciidamada Xoogga ee dalkeenna.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories