HomeWararDarawal goor dhaw lagu dilay xeebta Liido iyo faah faahin kasoo baxeysa

Darawal goor dhaw lagu dilay xeebta Liido iyo faah faahin kasoo baxeysa

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Askari ka tirsan Ciidanka dowlada Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Booliska ayaa goordhaw xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir ku dilay mid kamid ah darawalada mooto Bajaajta ku shaqeysta, waxaana falkaas laga helayaa faah faahino dheeraad. Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in Askariga Booliska uu si bareer ah […]

- Advertisement -

Askari ka tirsan Ciidanka dowlada Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Booliska ayaa goordhaw xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir ku dilay mid kamid ah darawalada mooto Bajaajta ku shaqeysta, waxaana falkaas laga helayaa faah faahino dheeraad.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in Askariga Booliska uu si bareer ah rasaas ugu furay darawalka mooto Bajaaj, xili uu ku sugnaa aargada xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

Dilka loo geestay darawalka mootada ayaa ka danmbeyay, kadib markii uu muran kooban soo kala dhexgalay Askariga Booliska iyo darawalka, waxaana muranka dhaliyay in darawalka uu diiday amar uu bixiyay askariga, taas oo keentay in askariga uu rasaas ku furo marxuumka oo goobta ku dhintay.

Dhowr daqiiqo kadib ayaa goobta uu falka ka dhacay laga qaaday Meydka darawalka ladilay, waxaana goobta ka baxsaday Askariga falka geystay, wararka ayaa intaas kusii daraya inuu darawalka xiligii ladilayay uu badda u waday caruur uu dhalay.

Magaalada Caasimada ee Muqdisho ayaa waxaa dhowr jeer oo hore Ciidamo ka tirsan Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ay si bareer ah ugu dileen darawalo ku shaqeysan jiray mooto Bajaajta, mana jirto  tallaabo laga qaado Askarta falalkaas geysata.

Latest stories