HomeWararAxmed Madoobe oo Warbixin ka siiyay Golaha Wasiirada Jubbaland Isbedelkii dhacay

Axmed Madoobe oo Warbixin ka siiyay Golaha Wasiirada Jubbaland Isbedelkii dhacay

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland  Axmed Maxamed Ismaan Axmed Madoobe ayaa maanta shir gudoomiyey kulanka golaha wasiiradda Jubaland  oo ka qabsoomay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Kulanka golaha wasiiradda ayaa todobaadkan waxaa Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam uu oga warbixiyey golaha xaalada amniga, isbadalka doorasho ee ka dhacay dalka iyo guud ahaan arimaha siyaasada,  Ra’isul wasaaraha cusub ee lasoo magacabay ayuu alle oga baryey in uu ku asturo masuuliyada adag ee loo dhiibay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu soo idlaaday ololahii doorashada ee mudada fog lagu soo jiray, waxa uu faray golaha wasiirada in la dar dar galiyo shaqooyinka hortabinta leh wasaaradaha kuwaa oo ay ugu horeeyaan Hirgalinta golayaasha deegaanka, magacaabida degmooyin cusub iyo arimo kale.

Kulanka qaybihiisi dambe waxa warbixino soo jeediyey wasaaradda  Amniga iyo sidoo kale wasaaradda Deegaanka iyo Dalxiiska Jubaland.

Wasiirka Wasaaradda amniga Jubaland Jeneraal Yuusuf Xuseen Dhuumaal ayaa kulanka golaha wasiirada kahor aqriyey warbixino la xiriira xaaladda amniga ee deegaanada Jubaland.

Sidoo kale Wasiirka Deegaanka iyo Dalxiiska Jubaland Caydiid Saleebaan Xaashi ayaa golaha oga warbixiyey tababaro kala duwan oo ay wasaaradu u qabatay ergo ka kala timid magaalaooyinka Afmadow, Ceelcade, iyo Guriceel tababarka oo looga hadlayey dhibaatada ay leedahay jarista dhirta iyo xaalufinya deegaanka.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories