HomeWararPuntland oo Ciidamo geeysay degaan ka tirsan G/Mudug oo shaqaaqo ka dhacday

Puntland oo Ciidamo geeysay degaan ka tirsan G/Mudug oo shaqaaqo ka dhacday

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Mudug Muumin Cabdishire iyo Guddoomiye ku xigeenka Gobalka Mudug ahna kusimaha Guddoomiyaha Mudug ayaa gaaray deegaanka xero Jaalle oo ay ka dhacday Shaqaaqo ka dhashay Khilaaf la xiriira arrimaha deegaameynta dhulka. Deegaanka ay shaqaaqada ka dhacday oo ah dhul Miyyi ah, balse la isku qabtay deegaamayntiisa ayaa wafdigii ka socday Maamulka […]

- Advertisement -

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Mudug Muumin Cabdishire iyo Guddoomiye ku xigeenka Gobalka Mudug ahna kusimaha Guddoomiyaha Mudug ayaa gaaray deegaanka xero Jaalle oo ay ka dhacday Shaqaaqo ka dhashay Khilaaf la xiriira arrimaha deegaameynta dhulka.

Deegaanka ay shaqaaqada ka dhacday oo ah dhul Miyyi ah, balse la isku qabtay deegaamayntiisa ayaa wafdigii ka socday Maamulka Puntland ee halkaa tagay ka kaxeeyeen Meleeshiyaadkii goobta isku rasaaseeyay.

- Advertisement -

Sidoo kale deegaanka xero Jaalle ee Gobolka Mudug ayaa waxaa la geeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Puntland, kuwaasi oo ilaalinaya ilaa inta Xal rasmi ah laga gaarayo.

Wafdiga ka socotay Puntland ayaa kulamo la qaatay Odayaasha labada dhinac, waxaana lagu balamay in si dag dag ah arrintan loo xaliyo Maamulkana garwadeen ka ahaado xalinta shaqaaqooyinka soo noqnoqoday.

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa horay u mamnuucay inaan wax deegaamayn cusub ah la samayn karin ciddi la timaadana Tallaabo Sharci ah laga qaadayo, iyadoona ay xusid mudan tahay in deegaanka xero Jaalle ay ka dhacday shaqaaqo salka ku heysay deegaameynta dhulka.

Latest stories