HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee furmay

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee furmay

Date:

Related stories

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya oo maanta ka furmay Madaxtooyada Qaranka. Shirkan oo muddo labo maalmood ah socon doona ayaa ku qotoma siyaasadda Madaxweynaha ee lagu gaarayo Soomaali heshiis ah, waxaana diiradda lagu saarayaa qorsheyaasha hortabinta […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya oo maanta ka furmay Madaxtooyada Qaranka.

Shirkan oo muddo labo maalmood ah socon doona ayaa ku qotoma siyaasadda Madaxweynaha ee lagu gaarayo Soomaali heshiis ah, waxaana diiradda lagu saarayaa qorsheyaasha hortabinta u leh dowladda oo ay ugu horreyso xoojinta wada-shaqeynta heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed iyo dib u heshiisiinta.

- Advertisement -

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-Goboleedyada ayaa shirkan ku faaqidi doonaan dhammeystirka dastuurka, xoojinta nidaamka federaalka, adkeynta amniga dalka, dhisidda garsoor sal adag leh, xal u helidda arrimaha abaaraha iyo diyaarinta hannaanka doorashooyinka dalka.

“Soomaalidu in ay dunida la heshiiso waxa ka horraysa in ay iyadu isla heshiiso. Kulanka uu maanta madaxweyne Xasan Sh Maxamuud la yeeshay hoggaamiyayaasha dawlad goboleedyada waa tallaabada koowaad ee heshiiskaas lagu baadigoobayo – Soomaali heshiis ah oo wada jirta ee aan kala jirin” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu intaas kusii daray Qoraal uu soo saaray Madaxweyne Xasan Sheekh “Is riixriixa siyaasadeed ee marar badan dano gaar ahi hoggaaminayaan, waxa innagaga lumay inay Soomaali yeelato wax weyn oo ay wada ilaashato ama wada raadsato. Waxa aan rajaynayaa in kulankani waddada u xaari doono, bulsho iyo hoggaan dan wadaag ah.

- Advertisement -

Shirkan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada, Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Puntland Saciid Cabdullahi Deni, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed.

Latest stories