HomeWararKoonfur Galbeed oo Guddoomiye cusub u magacaawday Degmada Afgooye (Wareegto)

Koonfur Galbeed oo Guddoomiye cusub u magacaawday Degmada Afgooye (Wareegto)

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Wasiirka Arrimaha gudaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdullaahi Xaaji Xasan ayaa xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, isagoona Guddoomiye cusub u magacaabay degmadaas. Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir Cabdullaahi Xaaji ayaa waxaa Guddoomiyaha cusub ee degmada Afooge loogu magacaabay Cabdullaahi Maxamed Cismaan Hiraabe, kaasi oo bedelaya Guddoomiyihii hore ee […]

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha gudaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdullaahi Xaaji Xasan ayaa xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, isagoona Guddoomiye cusub u magacaabay degmadaas.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir Cabdullaahi Xaaji ayaa waxaa Guddoomiyaha cusub ee degmada Afooge loogu magacaabay Cabdullaahi Maxamed Cismaan Hiraabe, kaasi oo bedelaya Guddoomiyihii hore ee Afgooye Abuukar Maxamed Cumar Muudeey.

- Advertisement -

Magacaabista Guddoomiye Cabdullaahi Hiraabe ayaa ku timid, kadib markii la arkay baahi loo qabo in la helo Guddoomiye cusub oo dardar-gelin kara howlaha ballaaran ee degmada horyaalla, sida lagu caddeeyay wareegtada lasoo saaray.

Wasiir-dowlaha Wasaaradda Arrimaha gudaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maalmo kahor shaqo joojin ku sameeyay Guddoomiyaha xilka qaadista lagu sameeyay ee Abuukar Muudeey, kaasi oo lagu eedeeyay inuu amar diido sameeyay.

Hoos ka Akhriso Wareegtada magacaabista.

- Advertisement -

Latest stories