HomeWararCiidanka Nabadsugida oo soo Bandhigay xubin ka tirsanaa Al-shabaab oo isku dhiibay

Ciidanka Nabadsugida oo soo Bandhigay xubin ka tirsanaa Al-shabaab oo isku dhiibay

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Taliska Ciidanka Nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka ee Gobolka Gedo ayaa Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo ku soo bandhigay Nin ay sheegeen inuu ka tirsanaa Al-shabaab, kaasi oo isku soo dhiibay Ciidamada Nabadsugida Gobolka. Magaca Ninka kasoo goostay Al-shabaab ayaa lagu sheegay Cabdicasiis Maxamuud Diiriye oo 12-kii sano ee lasoo dhaafay ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-shabaab, […]

- Advertisement -

Taliska Ciidanka Nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka ee Gobolka Gedo ayaa Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo ku soo bandhigay Nin ay sheegeen inuu ka tirsanaa Al-shabaab, kaasi oo isku soo dhiibay Ciidamada Nabadsugida Gobolka.

Magaca Ninka kasoo goostay Al-shabaab ayaa lagu sheegay Cabdicasiis Maxamuud Diiriye oo 12-kii sano ee lasoo dhaafay ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-shabaab, isagoona ka hadlay sababta keentay inuu isaga soo baxo Shabaabka.

- Advertisement -

Cabdicasiis ayaa wareysi lala yeeshay ayaa tilmaamay inuu Al-shabaab isaga soo baxay, kadib markii sida uu caddeeyay u adkeysan waayey xaalada ay ku suganyihiin, wuxuuna isku soo dhiibay gacanta dowladda, gaar ahaan Ciidanka Nabadsugida ee ka howlgala Gobolka Gedo.

Saraakiisha Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa marar kala duwan oo horey sidaan oo kale u soo bandhigay xubno iyo Saraakiil ay sheegeen inay kasoo goosteen Al-shabaab, isku soo dhiibay Ciidanka dowladda ee ku sugan Gobolada.

Sdioo kale dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa iyaguna mararka qaarkood soo bandhiga Askar ay sheegayaan inay ka tirsan yihiin Ciidanka dowladda Federaalka oo isku dhiibay, kana goosta dowladda Federaalka.

Latest stories