HomeWararUhuru Kenyatta oo shaaciyay inuu Xasan Sheekh kala shaqeynayo hagaajinta xiriirka labada...

Uhuru Kenyatta oo shaaciyay inuu Xasan Sheekh kala shaqeynayo hagaajinta xiriirka labada Dal

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa khudbad ka jeeyay Munaasabaddii Caleema-saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud oo Maanta ka dhacday Xarunta Teendhada Afisyooni ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Uhuru Kenyatta ayaa marka hore sheegay inuu soo dhoweynayo dib usoo doorashada iyo Caleema-saarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo 15-kii bishii lasoo dhaafay ee May lagu […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa khudbad ka jeeyay Munaasabaddii Caleema-saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud oo Maanta ka dhacday Xarunta Teendhada Afisyooni ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Uhuru Kenyatta ayaa marka hore sheegay inuu soo dhoweynayo dib usoo doorashada iyo Caleema-saarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo 15-kii bishii lasoo dhaafay ee May lagu doortay Magaalada Muqdisho, kadib doorasho adeg oo dhacday.

- Advertisement -

Madaxweynaha dalka Kenya ayaa waxaa uu tilmaamay inay furayaan xuduudka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, isla markaana waxaa uu Carabka ku dhuftay inuu Madaxweynaha cusub kala shaqayn doono hagaajinta xiriirka labada dalka, sida Ganacsiga.

Sidoo kale Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa wuxuu intaas kusii daray hadalkiisa in horumarka Kenya uu ku xiran yahay horumarka Soomaaliya, maadama ay yihiin labada dal oo deris ah.

“Kenya waa walaal aad ku tashan kartaan,” ayuu yiri Uhuru Kenyatta oo khudbad ka jeediyay xafalada caleemo-saarka madxaxweynaha Soomaaliye, Xasan Sheekh Maxamuud.

- Advertisement -

Kenya ayaa kamid aheyd dalal uu xiriirka Soomaaliya kala dhaxeeya uu si weyn u xumaaday intii uu tallada dalka hayay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana dhacday in xitaa la xiro safaaradaha Muqdisho iyo Nairobi.

Latest stories