HomeCaalamkaUkraine oo si kulul uga Jawaabtay hadal kasoo yeeray Madaxweynaha Faransiiska

Ukraine oo si kulul uga Jawaabtay hadal kasoo yeeray Madaxweynaha Faransiiska

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Wasiirka arrimaha Dibadda ee Ukraine ayaa si kulul ugu jawaabay Madaxweynaha waddanka Faransiiska Emmanuel Macron, kaddib markii uu sheegay inay muhiim aheyd in Ruushka aanan lagu bahdilin duullanka uu soo qaaday. Mr Macron ayaa sheegay inay muhiim aheyd in Madaxweyne Vladimir Putin uu heli karo waddo uu uga bixi karo waxa uu ugu yeeray “khalad […]

- Advertisement -

Wasiirka arrimaha Dibadda ee Ukraine ayaa si kulul ugu jawaabay Madaxweynaha waddanka Faransiiska Emmanuel Macron, kaddib markii uu sheegay inay muhiim aheyd in Ruushka aanan lagu bahdilin duullanka uu soo qaaday.

Mr Macron ayaa sheegay inay muhiim aheyd in Madaxweyne Vladimir Putin uu heli karo waddo uu uga bixi karo waxa uu ugu yeeray “khalad asaasi ah” oo uu galay.

- Advertisement -

Hasayeeshee Dmytro Kuleba ayaa sheegay in xulafada dalkiisa ay tahay “inay si wanaagsan diiradda u saaraan sidii Ruushka halka uu mudan yahay loo dhigi lahaa” maadaama “isagu uu isbahdilayo”.

Mr Macron ayaa si joogta ah khadka taleefanka waxa uu kula hadlaa Mr Putin, arrintaas oo qeyb ka ah dedaal uu isagu garwadeen ka yahay oo la doonayo in xabadda lagu joojiyo wadahadalna lagu furo.

Faransiiska ayaa iskudayaya inuu sii wado joogtaynta wadahadalka uu la leeyahay hogaamiyaha Kremlin-ka taas oo ka duwan aragtida ay qabaan Mareykanka iyo UK..

- Advertisement -

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine Kuleba ayaa ku sheegay farriin uu soo dhigay bartiisa Twitterka in “wicitaannada lagu doonayo in loogaga hortago in la bahdilo Ruushka ay bahdilayaan oo kaliya Faransiiska iyo dalkiikasta ee kale ee ku baaqa”.

Latest stories