HomeWararMareykanka oo Duqeyn lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab ka fuliyay gudaha...

Mareykanka oo Duqeyn lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab ka fuliyay gudaha Somalia

Date:

Related stories

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray kumannaan askari Xananbuure

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tababar u soo xiray kumannaan askari oo hal sano ku qaatay Xananbuure, kuwaas oo ah ciidamadii ugu badnaa ee tababar ku qaata gudaha dalka tan iyo burburkii 1991-kii.

Jeexjeexyada Maqaarka: Yaa Ku Dhaca, Ma La Daaweyn Karaa?

Jeexjeexyada maqaarka waa xarriiqo caadi ah oo ka dhalan kara miisaan isbeddel uur, koritaanka jirka ama arrimo hidde-side ah Laakiin maxa sababa, yaase ugu badan mase dhab ahaan waa la daaweyn karaa?

Ugu yaraan shan ka mid ah Al-shahaab ayaa lagu dilay weerar cirka ah oo ciidamada Mareykanku ku qaadeen xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa meel u dhow Beer Xaani, sida ay shaacisay wasaaradda warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Weerarkan ayaa yimid kadib markii Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen ciidamada dowladda Soomaaliya oo taageero ka helaya […]

- Advertisement -

Ugu yaraan shan ka mid ah Al-shahaab ayaa lagu dilay weerar cirka ah oo ciidamada Mareykanku ku qaadeen xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa meel u dhow Beer Xaani, sida ay shaacisay wasaaradda warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Weerarkan ayaa yimid kadib markii Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen ciidamada dowladda Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa Mareykanka. Ma jirto wax khasaare ah oo howlgalkan kasoo gaaray dadka rayidka ah, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka dowladda Soomaaliya.

- Advertisement -

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa 16-kii bishii hore ee May saxiixay amar boqolaal askari oo Mareykan ah dib ugu celinaya Soomaaliya, si ay uga hortagaan kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Saraakiisha militariga Mareykanka ayaa horey u sheegay in la-dagaalankii Al-Shabaab ay wiiqday go’aankii madaxweynihii hore Donald Trump uu ciidamada Mareykanka uga soo saaray Soomaaliya.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna soo dhoweeyey go’aanka madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ku go’aamiyey inuu dib ugu celiyo Soomaaliya dhowr boqol oo ka tirsan ciidamada khaaska ah ee tababarka iyo taageerada siiya ciidanka Soomaaliya.

Latest stories