HomeWararFaah Faahin:-Weerar lagu qaaday Saldhigga Degmada Afgooye

Faah Faahin:-Weerar lagu qaaday Saldhigga Degmada Afgooye

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Faah faahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal Culus oo la sheegay in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay Xalay saqdii dhexe ay ku qaadeen degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose. Wararka aynu helnay ayaa tilmaamaya in Xalay la weeraray Saldhigga Degmada, waxaana dad Goobjoogayaal ah ay inoo sheegeen in maqlayeen dhawaqa rasaas culus oo labada […]

- Advertisement -

Faah faahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal Culus oo la sheegay in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay Xalay saqdii dhexe ay ku qaadeen degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Wararka aynu helnay ayaa tilmaamaya in Xalay la weeraray Saldhigga Degmada, waxaana dad Goobjoogayaal ah ay inoo sheegeen in maqlayeen dhawaqa rasaas culus oo labada dhinac ay isku adeegsanayeen.

- Advertisement -

Dagaalka xooggiisa ayaa   si gaar ah uga dhacay Buundada yar ee degmada Afgooye, waxaana Ciidanka Dowladda la sheegay in ay iska caabbin sameeyeen, waxaana dadka degaanku ay sheegeen in dagaalku uu qaatay saacado kooban, kadibna uu istaagay.

Mas’uuliyiinta Gobolka iyo laamaha ammaanka wax war ah wali kama soo saarin dagaalka, sidoo kalena ma jirto faah faahin intaa ka dheeri ah oo laga helay.

Goobaha Ganacsiga iyo xaaladda guud ee magaalada ayaa lagu soo warramayaa in ay caadi kusoo laabatay, sidoo kalena lama oga in khasaare dhimasho uu jiro iyo in kale.

- Advertisement -

Dagaalamaayasha Al-Shabaab ayaa badanaa weeraro waxaa ay kusoo qaadaan degmooyin iyo degaanno ka tirsan Gobolkaasi, waxaana tiro dhowr jeer ah ay ka fuliyeen weeraro gaadmo ah.

Latest stories