HomeWararGuddoomiyaha G/Banaadir iyo Duqa Magaalo ka tirsan Turkiga oo heshiis kala saxiixday

Guddoomiyaha G/Banaadir iyo Duqa Magaalo ka tirsan Turkiga oo heshiis kala saxiixday

Date:

Related stories

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray kumannaan askari Xananbuure

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tababar u soo xiray kumannaan askari oo hal sano ku qaatay Xananbuure, kuwaas oo ah ciidamadii ugu badnaa ee tababar ku qaata gudaha dalka tan iyo burburkii 1991-kii.

Jeexjeexyada Maqaarka: Yaa Ku Dhaca, Ma La Daaweyn Karaa?

Jeexjeexyada maqaarka waa xarriiqo caadi ah oo ka dhalan kara miisaan isbeddel uur, koritaanka jirka ama arrimo hidde-side ah Laakiin maxa sababa, yaase ugu badan mase dhab ahaan waa la daaweyn karaa?

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish ayaa Maanta oo Jimco ah kulan la qaatay Duqa Magaalada Konya ee dalka Turkiga MR. Ibrahim uÄŸur altay. Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal gaar ahaan Maamulka Gobolka Banaadir iyo kuwa dowaddaha hoose ee dalka Turkiga, waxaana […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish ayaa Maanta oo Jimco ah kulan la qaatay Duqa Magaalada Konya ee dalka Turkiga MR. Ibrahim uÄŸur altay.

Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal gaar ahaan Maamulka Gobolka Banaadir iyo kuwa dowaddaha hoose ee dalka Turkiga, waxaana labada dhinac ay kala saxiixdeen heshiis cusub.

- Advertisement -

Heshiiska ay kala saxiixdeen Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish iyo Duqa Magaalada Konya  ee Turkiga ayaa waxaa uu yahay mid la xiriira walaaleynta iyo Iskashiga labada Magaalo, waxa ayna  iska kaashan doonaan Sagaal qodob oo muhiim u ah dhaqangalinta heshiiskan.

1- Maareynta qashinka iyo warshadeyntiisa

2- Gaadiidka Dadweynaha noocyadiisa kala duwan (Public transportation ).

- Advertisement -

3- Qorsheynta Magaalada iyo hagaajinta nidaamka adress yada Magaalada guud ahaan. (urban planning and adressing system )

4- Diiwaan galinta dadweynaha (Civic registration ) .

5- Tababaradda

6- Dalxiiska

7- Isboortiga noocyadiisa kala duwan

8- Dhaqanka iyo

9- Kaabayaasha dhaqaalaha (Infrastructure ) .

Latest stories