HomeWararDF, IMF iyo Bangiga Adduunka oo ka shiray habka Somalia ku heli...

DF, IMF iyo Bangiga Adduunka oo ka shiray habka Somalia ku heli laheyd Lacag laga joojiyey

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Maanta shir Guddoomiyay kulan wadajirka ah oo ay yeesheen Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Aduunka ee IMF. Kulanka ayaa waxaa looga hadlaayay inta uu socday habka ugu sahlan ee dowladda Federaalka Soomaaliya ku heli laheyd Kabka Miisaniyadda (Budget Support) oo sanaddii la soo […]

- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Maanta shir Guddoomiyay kulan wadajirka ah oo ay yeesheen Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Aduunka ee IMF.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlaayay inta uu socday habka ugu sahlan ee dowladda Federaalka Soomaaliya ku heli laheyd Kabka Miisaniyadda (Budget Support) oo sanaddii la soo dhaafay la joojiyay, la xiriira dib u dhacyadii doorashada dalka.

- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda xilgaarsiinta oo qoraal kasoo saaray kulanka ayaa waxaa uu sheegay in sidoo kale kulanka diirada lagu saaray sii wadidda isbaddalka Maaliyadda iyo sare u qaadidda Dakhliga gudaha oo muhiim u ah dhaqaalaha Soomaaliya.

“Maanta waxa aan shir-gudoomiyay kulanka wadajirka ah ee Bangiga Adduunka iyo IMF oo aan uga wada hadalnay habka ugu sahlan ee Dowladda Soomaaliya ku heli laheyd Kabka Miisaniyadda (Budget Support) oo sanaddii la soo dhaafay la joojiyay” ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Latest stories