HomeWararMaxay ka wada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi ka socday Midowga...

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi ka socday Midowga Yurub?

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada dalka kulan kula qaatay wafdi ay hoggaamineyso Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Marwo Annette Weber oo ay wehlineysay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Marwo Tiina Intelmann.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Marwo Annette Weber ayaa ka wadahadlay dib u soo celinta taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya, iyadoo soo bandhigtay sida ay uga go’an tahay Midowga Yurub garab istaagga siyaasadda iyo qorsheyaasha horumarineed ee Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Marwo Annette Weber ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya Midowga Yurub iyo Soomaaaliya. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee Midowga Yurub ay la garab taagan yihiin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in la sii amba-qaadi doono,lana horumarinayo qorsheyaasha dib u habeynta hannaanka maaliyadeed ee dalka, si loo dhammeystiro dhammaan shuruudaha ku xeeran arrimaha deyn cafinta ee dalkeenna.

Danjire Annette Weber ayaa ah mas’uulkii ugu sarreyey ee ka socda Midowga Yurub ee soo gaara dalkeenna tan iyo burburkii kaddib, taas oo muujineysa sida dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeya dunida.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories