HomeWararMaxaa kasoo baxay Shirarkii DFS iyo Hay’addaha dhaqaalaha Adduunka ee soo Idlaaday?

Maxaa kasoo baxay Shirarkii DFS iyo Hay’addaha dhaqaalaha Adduunka ee soo Idlaaday?

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Waxaa la soo gabagabeeyay shirar iyo kullamo uu shir Guddoominayey Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Hey’adaha dhaqaalaha Adduunka u socday toddobaadkaan.

Shirkii ugu danbeeyay ee shalay oo ku qabsoomay aaladda fogaan araga ah ee ZOOM-ka ayaa waxaa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Ducaale Beyle la yeesheen Bangiga Horumarinta Afrika (AFDB).

Bangiga Horumarinta Afrika, Wasaaradda Maaliyadda iyo Madaxweynaha cusub ayaa ka wadahadlay sii wadidda howlaha dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo taageerada Bangiga ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ballan qaaday in dowladdiisu ay xoogga saari doonto dhammeystirka howlaha deyn cafinta iyo sidoo kale ay xoojin donaan wadashaqeynta Hey’addaha Maaliyadda ee caalamiga ah.

Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh oo uu Wasiirka Maaliyadda weheliyo ayaa waxaa ay hore shirar muhiim ah ula qaateen Madaxda Hey’adda IMF iyo Bangiga Adduunka kuwaasi oo dhammaan si guul ah ku soo dhammaaday.

Maalin kahor ayey aheyd markii dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hey’adda IMF ay gaareen heshiis muhiim u ah geeddi socodka deyn-cafinta iyo Dib-u-eegista wajiyada 2aad iyo 3aad Barnaamijka ECF ee dib-u-habeynta hannaanka Maaliyadda iyo Horumarinta dhaqaalaha dalka.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories