HomeWararRa’iisul Wasaare Rooble oo War kasoo saaray geeridii ku timid Madaxweynihii Imaaraadka

Ra’iisul Wasaare Rooble oo War kasoo saaray geeridii ku timid Madaxweynihii Imaaraadka

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shacabka iyo Dowladda Imaaraadka Carabta uga tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Madaxweynihii Dowladda Imaaraadka Carabta Sheikh Khaliif Bin Zayid Ala Nahyaan oo maanta geeriyooday. Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa yiri“ Waxaan walaaleheenna Imaaraadka Carabta la qeybsaneynaa xanuunka iyo murugada ka dib […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shacabka iyo Dowladda Imaaraadka Carabta uga tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Madaxweynihii Dowladda Imaaraadka Carabta Sheikh Khaliif Bin Zayid Ala Nahyaan oo maanta geeriyooday.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa yiri“ Waxaan walaaleheenna Imaaraadka Carabta la qeybsaneynaa xanuunka iyo murugada ka dib geeridii ku timid Allaha u naxariistee  Sheikh Khaliifa Bin Zayid, madaxweynihii Imaaraadka Carabta oo geeriooday maanta oo Jimce ah”

- Advertisement -

“Anigoo ka ku hadlaya magaceyga iyo magaca Shacabka Soomaaliyeed waxa aan uga tacsiyeynayaa qoyska marxuumka, dowladda Imaaraadka shacab iyo hoggaanba, Shucuubta Carabta iyo Islaamka, geerida Allaha u naxariistee Sheikh Khaliifa Bin Zayid oo ka mid ahaa haldoorka iyo hoggaanka Ummadda Carabta iyo Islaamka”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa marxuumka Alle uga baryay in uu naxariistii Janno ku manneysto, ehelkiisa, shacabka imaaraadka iyo guud ahaan ummadda Islaamkana Samir iyo iimaan ka siiyo.

Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa Maanta shaaca ka qaaday inuu geeriyooday Madaxweynihii dalkaas Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan. Sheekh Khalifa, oo ahaa 73 jir ayaa muddo sanado ah la xarbinayey xanuuno.

Latest stories