HomeWararFaah faahin kasoo baxeysa Dil ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb

Faah faahin kasoo baxeysa Dil ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Wararka aan ka heleyno xaafad ka tirsan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saaka lagu dilay Wiil dhallinyaro oo kamid ahaa dadka deegaanka Magaalada. Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in Wiilka la dilay uu kamid ahaa Dadka Muruq-maalka ah, uuna dilay Nin lagu magacaabo Bile Xaashi Faandows oo […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno xaafad ka tirsan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saaka lagu dilay Wiil dhallinyaro oo kamid ahaa dadka deegaanka Magaalada.

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in Wiilka la dilay uu kamid ahaa Dadka Muruq-maalka ah, uuna dilay Nin lagu magacaabo Bile Xaashi Faandows oo la sheegay inuu isticmaalay waxyaabaha maanka dooriyaha, sidaasina uu Wiilka ku dilay.

- Advertisement -

Marxuumka dhintay ayaa isna waxaa magaciisa lagu soo koobay Burhaan, waxaana Wiilka la dilay iyo Ninka wax dilay ayaa kala ahaa ilmo Abti iyo Eedo, iyadoona qoysaska labada dhinac ay ka naxeen dilkaas ka dhacay xaafadda Waaberi ee Dhuusamareeb.

Bile Xaashi Faandows oo ah Ninka falka geystay ayaa goobta uu dilka ka dhacay oo aheyd Xaafadda Waaberi ee Dhuusamareeb ka baxsaday, waxaana socda howlgalo Ciidanka ammaanka Maamulka ay ku baadi goobayaan Ninka falkaas geystay.

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa marar hore sidaan oo kale uga dhacay dilal ay isku geysteen dad isku qoys ahaa, iyadoona laamaha amniga ay gacanta kusoo dhigeen dadkii ka dambeeyay dilalka ka dhacay Magaaladaas.

Latest stories