HomeWararRa’iisul Wasaare Rooble oo Hambalyo u diray Xildhibaanada lagu soo doortay Ceelwaaq

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Hambalyo u diray Xildhibaanada lagu soo doortay Ceelwaaq

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa War kasoo saaray doorashada 16-ka kursi Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Maanta lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Ceelwaaq. Rooble oo qoraal soo saaray ayaa waxaa uu marka hore hambalyo ugu diray Guddiga Doorashooyinka heer Federaal iyo Guddiga Doorashada Jubaland oo maanta soo gebogebeeyay doorashadii xildhibaannada […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa War kasoo saaray doorashada 16-ka kursi Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Maanta lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Ceelwaaq.

Rooble oo qoraal soo saaray ayaa waxaa uu marka hore hambalyo ugu diray Guddiga Doorashooyinka heer Federaal iyo Guddiga Doorashada Jubaland oo maanta soo gebogebeeyay doorashadii xildhibaannada Golaha Shacabka ee ku harsanaa Jubbaland.

- Advertisement -

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta ayaa u hambalyeeyay 16-ka Xildhibaan ee lagu soo doortay Magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, isagoo u rajeeyay in uu Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda qaran ee loo igmaday.

“Waxaan u hambaleynayaa Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal, Guddiga Doorashada Jubaland iyo Dowlad-goboleedka Jubaland oo maanta soo gebogebeeyay doorashadii xildhibaannada Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu ahayd gobolka Gedo. Hambalyo ayaan leeyahay  xildhibaannada cusub ee la doortay, anigoo u rajeynaya in uu Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda qaran ee loo igmaday” ayuu yiri Maxamed Xuseen Rooble.

Maanta oo sabti ah ayaa waxaa deegaan doorashada labaad Jubbaland ee Magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gego lagu soo gaba-gabeeyay doorashada 16-ka kursi Golaha Shacabka Baarlamaanka, kuwaasi oo ku harsanaa dowlad Goboleedka Jubbaland….

Latest stories