HomeWararJubbaland oo Maanta Doorashada Golaha Shacabka kusoo gaba-gabeeysay Ceelwaaq

Jubbaland oo Maanta Doorashada Golaha Shacabka kusoo gaba-gabeeysay Ceelwaaq

Date:

Related stories

Cirro iyo Trump: Kulankii Washington Ka Dhici Waayay iyo sababta

Cirro oo booqashadiisii Mareykanka ku soo gabagabeeyay isaga oo aan la kulmin Trump, isla markaana aan helin ballanqaad rasmi ah oo aqoonsi.

Wasiirrada Xamsa oo Shaashad Lagu Kala Sarreysiiyay

Xamsa Cabdi Barre oo wasiirrada Xukuumadda DanQaran ku sameeyay qiimeyn waxqabad iyo isla xisaabtan.

Hindisaha ABUUR oo La Daah-furay, Ardayda Soomaaliyeedna Fursad Cusub

Xasan Sheekh oo daah-furay sannad-tacliimeedka 2026/2027, isagoo sidoo kale bilaabay Hindisaha ABUUR ee hal-abuurka ardayda.

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Maanta sabti ah soo gaba-gabeeysay doorashada 16-ka kursi ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad oo shalay iyo Maanta ka qabsoontay Magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya. Doorashada kursiga #HOP122 ayaa waxaa ku tartamay Mursal Maxamed Khaliif  iyo Cumar Muxumed Buulle, waxaana ku guuleeystay Mursal Maxamed Khalif, kadib markii uu u […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Maanta sabti ah soo gaba-gabeeysay doorashada 16-ka kursi ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad oo shalay iyo Maanta ka qabsoontay Magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Doorashada kursiga #HOP122 ayaa waxaa ku tartamay Mursal Maxamed Khaliif  iyo Cumar Muxumed Buulle, waxaana ku guuleeystay Mursal Maxamed Khalif, kadib markii uu u tanaasulay Cumar Muxumed, isagoona loogu coddeeyay qaab gacan taag ah.

- Advertisement -

Kursiga Golaha Shacabka ee tirsigiisu yahay HOP110 ayaa waxaa kusoo baxay Maxamed Muxumed Maxamed, kadib markii uu tartanka doorashada ka haray Musharaxii la tartami lahaa ee Khadar Axmed Adan, sida uu ku dhawaaqay Natiijada Guddiga doorashada Jubbaland.

Axmed Cismaan Ibraahim & Aadan Gaarane Cabdullaahi ayaa ku tartamay kursiga tirsigiisu yahay #HOP131, waxaana sida ay guddigu shaaciyeen ku guulaystay Xildhibaan Axmed Cismaan Ibraahim

Kursiga tirsigiisu yahay #HOP123 ayaa waxaa ku tartamay Musharax Xildhibaan Faadumo Faarax Aadan & Musharax Xildhibaan Sacdiyo Cabdullaahi Shire, waxaana ugu dambayn ku guulaysatay Marwo Xildhibaan Faadumo Faarax Aadan.

- Advertisement -

Kursiga ugu dambeeyay ee doorashadiisa lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Ceelwaaq Hop125 ayaa waxaa ku guuleystay Cabdirashiid Maxamed Ducaale, kadib markii u tanaasulay Maxamed Adan Xasan oo la tartami lahaa Cabdirashiid Ducaale.

Jubbaland ayaa gebi ahaan soo gaba-gabeeysay doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, waxaana deegaan doorashada labaad ee Maamulkaas ee Magaalada Ceelwaaq lagu qabtay doorashada 16 kursi oo laga soo wareejiyay Magaalada Garbahaarey.

Guddiga doorashooyinka heer Federaal, kuwa Xallinta Khilaafaadka iyo Guddiga doorashooyinka dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa goobjoog ka ahaa doorashada Golaha Shacabka ee shalay iyo Maanta ka qabsoontay Magaalada Ceelwaaq .

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts