HomeWararXildhibaankii ugu horreeyay oo lagu doortay Magaalada Ceelwaaq

Xildhibaankii ugu horreeyay oo lagu doortay Magaalada Ceelwaaq

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Waxaa Maanta oo jimco ah Magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ee Jubbaland ka bilaabatay doorashada kuraas ka tirsan 16-ka kursi Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee ku harsan dowlad Goboleedka Jubbaland, kuwaasi oo laga wareejiyay Magaalada Garbahaarey.

Kursiga koowaad ee doorashadiisa ka dhacday Ceelwaaq ee tirsigiisu yahay #HOP119 ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ah Cabdicasiis Cabdullaahi Ibraahim iyo Cabdullaahi Abukar Xaaji Carab oo ah Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda xilgaarsiinta.

Wasiir Cabdullaahi Carab ayaa kusoo baxay doorashada kursiga #HOP119, kadib markii inta aysan bilaaban doorashada uu tartanka ka haray Musharaxii la tartami lahaa ee Cabdicasiis Cabdullaahi Ibraahim oo markii hore Guddiga diiwaan-geliyeen.

Ergada doorashada kursigaan ayaa Cabdullaahi Carab ugu coddeeyay qaab gacan taag ah, sida ay Natiijada doorashada ku dhawaaqeen Guddiga doorashada dowlad Goboleedka Jubbaland oo goobjoog ka ahaa doorashadii Maanta dhacday.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer Federaal Muuse Geelle Yuusuf ayaa sidoo kale goobjoog ka ahaa doorashada qabsoontay, waana kursigii ugu horreeyay ee Golaha Shacabka lagu doortay Ceelwaaq oo loo wareejiyay deegaan doorashada labaad ee Jubbaland.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories