HomeCaalamkaWaddooyinka Sweden oo holcaya ka dib qalalaase ka dhashay gubidda kitaabka Quraanka...

Waddooyinka Sweden oo holcaya ka dib qalalaase ka dhashay gubidda kitaabka Quraanka Kariimka ah

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Isku dhacyo ayaa maalintii afaraad ka socda magaalooyin badan oo ku yaala dalka Sweden, waxaana rabshadaha ay ka dhasheen isku-day ay Kitaabka Quraanka ku gubayaan koox ka soo horjeeda soo galootiga oo uu hor kacayo cunsuri u dhashay dalka Denmark oo lagu magacaabo Rasmus Paludan.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in saddex qof ay ku dhaawacmeen magaalada bari ee Norrköping Axaddii ka dib markii booliska ay rasaas digniin ah ku rideen dibadbaxayaasha.

- Advertisement -

Dhowr baabuur ayaa lagu gubay ugu yaraan 17 qofna waa la xiray.

Sabtidii, baabuur uu ku jiro bas ayaa lagu gubay koonfurta magaalada Malmo oo ay ka socdeen isu soo bax ay dhigayeen kooxda midigta fog.

Ficilladiisa ayaa waxay ay horseedday in dowladaha Iran iyo Ciraaq ay u yeereen wakiilada Sweden si ay uga dhiidhiyaan gubidda nuqulada kitaabka Qur’aanka ah.

- Advertisement -

Muslimiinta Sweden ayaa booliska dalkaas ku eedeeyay inay Paludan u oggolaadeen falka ka caraysiiyay qowmiyadooda, oo loo baahnaa inay ka joojiyaan.

Rasmus Paludan, oo sidoo kale haysta dhalashada Sweden oo hoggaamiya dhaqdhaqaaqa Stram Kurs, ama Hard Line, ayaa sheegay in uu gubay kitaabka ugu xurmada badan Islaamka uuna ku celin doono ficilkaas.

Latest stories