HomeWararQarax lala eegtay Xubin kamid ah Guddiga Doorashooyinka Federaalka iyo khasaaro ka...

Qarax lala eegtay Xubin kamid ah Guddiga Doorashooyinka Federaalka iyo khasaaro ka dhashay

Date:

Related stories

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo dhowr iyo toban daqiiqo kahor ka dhacay Magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad Goboleedka Hirshabeelle, kaasi oo geystay khasaaro dhimasho oo gaaray Askar ilaalo aheyd. Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa lala eegtay Gaari nooca Soomaalida u taqaano Qooqan oo uu […]

- Advertisement -

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo dhowr iyo toban daqiiqo kahor ka dhacay Magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad Goboleedka Hirshabeelle, kaasi oo geystay khasaaro dhimasho oo gaaray Askar ilaalo aheyd.

Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa lala eegtay Gaari nooca Soomaalida u taqaano Qooqan oo uu saarnaa xubin kamid ah Guddiga doorashooyinka heer Federaal oo lagu magacaabo Mahad Cumar Cabdi oo maalmahan joogay Jowhar.

- Advertisement -

Dad ayaa waxaa ay ku soo warrameen in qaraxaas Eng. Mahad Cumar gaariga uu saarnaa ku qabsaday, inta u dhexeeysa Magaalada Jowhar iyo Garoonka diyaaradaha Magaaladaas, xili uu socdaal ku marayey, kana yimid dhanka Magaalada, isagoo kusoo jeeday Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay laba Askari oo ilaalo u aheyd Mahad Cumar Cabdi oo ka tirsan Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa ku dhintay qaraxaas, waxaana ka badbaaday qaraxa Eng Mahad Cumar oo gaariga la saarnaayeen Guddoomiyaha degmada Warsheekh iyo Xildhibaan Cabdullaahi Cadde.

Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Hirshabeelle ayaa durbo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, isla markaana halkaas kasoo qaaday Meydka labada Askari ee geeriyootay, sidoo kalena goobta laga kexeeyay gaariga la qarxiyey oo qeyb kamid ah burbur gaaray.

- Advertisement -

Magaalada Jowhar  ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa weli ka socota qabashada doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka oo ku harsan Maamulkaas oo aan soo gaba-gabeyn doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad.

Latest stories