HomeWararJames Swan oo la kulmay musharaxiin u taagan shirguddoonka golaha shacabka

James Swan oo la kulmay musharaxiin u taagan shirguddoonka golaha shacabka

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u jooga Somalia James Swan ayaa maanta kulamo la qaatay qaar ka mida musharaxiinta u taagan guddoomiyaha golaha shacabka ee Soomaaliya. Sida lagu sheegay qoraal la soo dhigay barta twitterka ee xafiiska UNSOM, James Swan iyo musharaxiinta uu la kulmay ayaa ka wada hadlay arrimaha mudnaanta u leh xildhibaanadan […]

- Advertisement -

Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u jooga Somalia James Swan ayaa maanta kulamo la qaatay qaar ka mida musharaxiinta u taagan guddoomiyaha golaha shacabka ee Soomaaliya. Sida lagu sheegay qoraal la soo dhigay barta twitterka ee xafiiska UNSOM, James Swan iyo musharaxiinta uu la kulmay ayaa ka wada hadlay arrimaha mudnaanta u leh xildhibaanadan u taagan jagada guddoomiyaha golaha shacabka.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo maanta ay Guddida farsamo ee loo xilsaaray inay hoggaamiyaan doorashada shirguddoonka golaha shacabka ay guddoomiye u doorteen xildhibaan Cabdirisaan Cumar Maxamed oo hore u soo noqday wasiirka amniga.

- Advertisement -

Xildhibaan Cabdirisaaq oo warbaahinta la hadlay doorashadiisa ka dib, ayaa sheegay inay durba bilaabeen qorshihii lagu dooran dooran lahaa shirguddoonka golaha shacabka balse uu rabo inuu marka hore la kulmo guddida doorashada ee Aqalka Sare, si ay uga wada hadlaan in la dedejiyo qabsoomidda doorashada shirguddoonka labada gole baarlamaan.

Golaha cusub ee baarlamaanka ayaa la dhaariyey maalinimadii khamiista oo ku beegnayd April 14-keedii, waxaana isla maalintaasba ay labada gole ay shaaciyeen shirguddoon ku meel gaadh ah oo hawlaha baarlamaanka sii hagi doonta inta laga soo dooranayo shirguddoon rasmiya.

Labada gole baarlamaan ayaa waxay si gaar gaar ah shalay sabtidii u yeesheen kulankoodii ugu horeeyey iyaga oo isla shalayba magcaabay guddiyada farsamada ee ka shaqayn doona doorashada shirguddoonka labada gole.

- Advertisement -

Aqalka Sare ayaa magcaabay guddi ka kooban lix xubnood halka golaha shacabkuna uu magcaabay guddi ka kooban 10 xubnood.

Latest stories