HomeWararGuddoomiyaha Guddiga FEIT iyo wafdi la socday oo Goor dhow gaaray...

Guddoomiyaha Guddiga FEIT iyo wafdi la socday oo Goor dhow gaaray Kismaayo

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer Federaa Muuse Geelle Yuusuf iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ahna Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubbaland, iyagoo halkaas lagu soo dhaweeyay. Guddoomiye Muuse Geelle oo ay wehlinayeen xubno ka tirsan Guddiga doorashooyinka ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer Federaa Muuse Geelle Yuusuf iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ahna Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubbaland, iyagoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Guddoomiye Muuse Geelle oo ay wehlinayeen xubno ka tirsan Guddiga doorashooyinka ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland, kadibna waxaa loo gabiyey Xarunta Madaxtyooyada.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Muuse Geelle Yuusuf ayaa kulan la qaadan doona Guddiga doorashooyinka Jubbaland oo ay ka wada hadli doonaan dardar-gelinta qabsoomida doorashada 16-kursi oo lagu qabanayo Magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Muuse Geelle ayaa sidoo kale la kulmaya Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, wuxuuna kala arrinsan doonaa doorashada 16-ka kursi ee laga soo wareejiyay deegaan Magaalada Garbahaareey, isagoo Geelle usii gudbaya Ceelwaaq oo doorashada loo wareejiyay.

Sida uu qorshahu ahaa doorashada kuraastan ayaa lagu waday inay qabsoonto maalinta berri oo Isniin ah, balse waxaa suura-gal ah inay dib u dhac, maadaama Guddiga doorashooyinka heer Federaal iyo Mas’uuliyiinta Jubbaland aysan weli tegi Ceelwaaq oo loo wareejiyay doorashada 16-kursi ee caqabada siyaasadeed ka taagan tahay.

- Advertisement -

Maamulka Gobolka Gedo ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kasoo horjeeda in doorashada kuraastaas lagu qabto degmada Ceelwaaq, iyagoona sheegay inay doorasho kale ku qaban doonaan Magaalada Garbahaareey oo ah deegaan doorashada labaad ee Jubbaland.

Latest stories