HomeWararGuddiga Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka oo Maanta kulan ku leh Muqdisho

Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka oo Maanta kulan ku leh Muqdisho

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Guddiga qaban-qaabada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo labaddiisa ku-xigeen ayaa Maanta oo Axad ah waxaa lagu wadaa in kulankii ugu horreeyay ku yeeshaan Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Villa Hargeysa. Guddigaan oo ka kooban 10-xubnood oo uu magacaabay Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka ayaa ka arrinsan doona qorshaha doorashada Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddiga qaban-qaabada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo labaddiisa ku-xigeen ayaa Maanta oo Axad ah waxaa lagu wadaa in kulankii ugu horreeyay ku yeeshaan Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Villa Hargeysa.

Guddigaan oo ka kooban 10-xubnood oo uu magacaabay Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka ayaa ka arrinsan doona qorshaha doorashada Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

- Advertisement -

Guddiga ayaa kulankooda intiisa badan uga hadli doona howlaha shaqo ee horyaalla ee ah diyaarinta Jadwalka doorashada Guddoonka Golaha, isla markaana laga sugayo inay Warbixin ku aadan qorshahooda kahor jeedaan Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Maalitii shalay ayaa waxaa si rasmi ah u furmay kal-fadhiga koowaad ee Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, iyagoona kulamo ku kala yeeshay Xarumaha ay ku shaqeeyaan labada Golle, waxaana la magacaabay Guddiyada qabashada doorashada Guddoonka labada Aqal.

Xidhibaano ku dhow 300 oo isugu jira Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa la dhaariyey, isla markaana waxaa weli harsan Xildhibaano la doortay, balse aan qaadan shahaadada Guddiga doorashooyinka heer Federaal, kuwaasi oo la filayo in shahaadada la siiyo.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts