HomeCaalamkaRabshado ka dhashay Nin doonayay inuu gubo kitaabka Qu'raanka oo dhacay

Rabshado ka dhashay Nin doonayay inuu gubo kitaabka Qu’raanka oo dhacay

Date:

Related stories

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.

Musharax Galmudug Liban Axmed oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan

Musharax Galmudug oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan Muqdisho,...

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed Baydhabo, 11...

Taliyeyaasha SNA & Booliiska oo kormeeray TURKSOM

Taliyeyaasha ciidamada oo kormeeray Kulliyadda TURKSOM Muqdisho, 11 Juun 2026 –...
- Advertisement -

Dibadbaxayo looga soo horjeeday kooxda midigta-fog oo doonaysay inay Qur’aan-ka Kariimka ah ku gubaan magaalada Orebro ee bartamaha Sweden Jimcihii shalay ahaa ayaa ka dhacay dalkaasi.

Afar askari oo ka tirsan booliska Sweden iyo qof shacab ah ayaa ku dhaawacmay rabshadahaan. Mudaaharaadayaasha ayaa mar kale isugu soo baxay si ay u muujiyaan caradooda ku aadan siyaasiga garabka midig ee Rasmus Paludan u dhashay Denmarka Sidoo kalana haysta dhalshada Sweden.

- Advertisement -

Khamiistii mudaaharaad uu qorsheynayay inuu ka sameeyo magaalada Linkoping ayaa dhaliyay isku dhacyo ay ku dhaawacmeen saddex askari oo boolis ah.

Dibad-baxan oo ogolaansho loo haystay ayay boolisku kala eryeen si xaaladda loo dejiyo, waxaana fiidnimadii jimcaha ka baxay goobaha inta badan dibad-baxayaasha, sida ay booliisku sheegeen.

“Waxaan ku dhex noolnahay bulsho dimuqraadi ah, mid ka mid ah hawlaha ugu muhiimsan ee booliiskuna waa inay hubiyaan in dadku ay isticmaali karaan xuquuqdooda dastuuriga ah si ay u muujiyaan fikradahooda,” ayuu yiri taliyaha booliiska Sweden Anders Thornberg subaxnimadii Jimcaha, isagoo ka falcelinaya dhacdooyinkii Khamiista.

- Advertisement -

“Boolisku ma kala dooran karaan cidda xaqan leh, laakiin mar walba waa inay soo farageliyaan haddii xadgudub la sameeyo,” ayuu ku daray hadal uu soo saaray.

Latest stories