HomeCaalamkaDowladda Ruushka oo ku dhawaaqday inay dalkeeda ka mamnuucday RW Boris Johnson

Dowladda Ruushka oo ku dhawaaqday inay dalkeeda ka mamnuucday RW Boris Johnson

Date:

Related stories

Somaliland President Irro Set for Official Visit to Israel

Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi, known as Irro, is...

President Mohamud: Opposition lacks political vision since 2023

Somali President Hasan Sheikh Mohamud said opposition groups have...

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka Cammaan, Urdun...

Three Officers Wounded as Al-Shabaab Strikes Elite SOG Base in Mandera

Three police officers sustained injuries when suspected Al-Shabaab fighters attacked a Special Operations Group (SOG) camp in Fino, located in Lafey Sub-County, Mandera County, on Friday night.

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.
- Advertisement -

Moscow ayaa Sabtida maanta ah ku dhawaaqday in ay dalkeeda ka mamnuucday Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson iyo saraakiil sarsare oo dalkaasi u dhashay, tani oo timid ka dib markii London ay cunnaqabateyno ku soo rogtay Russia oo ciidankeedu uu ku duulay Ukraine.

Hadal ay faafisay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayay ku sheegtay in tallaabadan ay jawaab u tahay ololaha siyaasadeed ee London ee “ujeedkeedu yahay in Ruushka loo go’doomiyo si caalami ah.”

- Advertisement -

Wasaaradda ayaa ku eedeysay London in ay qaadday “ficillo colaadeed oo aan horey loo arag” taasi oo ay kala jeeddo cunnaqabateynada ay ku soo rogtay saraakiil sarsare oo Ruush ah.

Xubnaha laga mamnuucay in ay tagi karaan Ruushka waxaa kale oo ka mid ah Ra’iisulwasaare ku-xigeenka Ingiriiska Dominic Raab, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Liz Truss, Xoghayaha Difaaca Ben Wallace, Ra’iisulwasaarihii hore Theresa May iyo wasiirka koowaad ee Scotland Nicola Sturgeon.

Britain ayaa qeyb ka ahayd dadaallada caalamiga ah ee lagu ciqaabayo Ruushka oo ay ka mid tahay xannibaado hantiyeed, xayiraad dhanka socdaalka ah iyo cunaqabatayn dhaqaale oo la saaray Ruushka tan iyo 24-kii bishii February oo ay ciidankiisa ku duuleen Ukraine.

Latest stories