HomeWararMaamulka Gobolka Gedo oo ka hor yimid go’aankii Guddiga doorashooyinka

Maamulka Gobolka Gedo oo ka hor yimid go’aankii Guddiga doorashooyinka

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Iyadoo Guddiga FIET ay go’aan kasoo saareen doorashada kuraasta Gedo, sheenna in lagu qaban doono Ceelwaaq, ayaa waxaa si weyn uga hor yimid oo sharci darro ku tilmaamay maamulka gobolka Gedo. Guddoomiyaha maamulkaas Axmed Buulle Gareed oo BBC-da la hadla ayaa sheegay inay ku taagan yihiin Heshiiskii 17 September. “Garbahaarrey Heshiiskii 17 September ayay ka […]

- Advertisement -

Iyadoo Guddiga FIET ay go’aan kasoo saareen doorashada kuraasta Gedo, sheenna in lagu qaban doono Ceelwaaq, ayaa waxaa si weyn uga hor yimid oo sharci darro ku tilmaamay maamulka gobolka Gedo.

Guddoomiyaha maamulkaas Axmed Buulle Gareed oo BBC-da la hadla ayaa sheegay inay ku taagan yihiin Heshiiskii 17 September. “Garbahaarrey Heshiiskii 17 September ayay ka mid tahay, xildhibaannada saakay la dhaarinayay waxa lagu dhaariyay waa 17 September, kuwa dhiman waxa lagu soo dooranayaana waa 17 September, cid hal qodob ka beddeli karta ma jirto, shalayna waan taagneyn haddana waan taagannahay,”ayuu yiri.

- Advertisement -

Buulle Gareed ayaa ku eedeeyay Guddiga FEIT inaysan habeysneyn oo ay dhowr garab noqotay. “Waxaan ku xaqiijinayaa in haddii warqaddaas ay xaqiiq noqoto aan Garbahaarrey ku dooran doonno xildhibaannadii dhinnaa oo ay doorashada Garbahaarrey ka dhacayso,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in markii horeba aan lagu heshiin waayin in doorashada ay Garbahaarrey ka dhacdo, isla markaana ay ku jirtay qodobbada heshiiskii 17 September, wuxuuna sheegay inaysan u dulqaadan doonin arrintaas ana doorashada qabsan doonaan.

“Aniga waxaan rabaa ninka ragga ah ee Ceelwaaq doorasho ku qabanaya. Annagu sharci baan qabbaan u nahay, sharciga haddii lagu xad gudbay cid aan qabban u nahay ma jirto, doorashadeennana waan qabsaneynaa, iyadoo xor iyo xalaal ah ayaan qabsaneynaa, cid aan magacn uga nahayna ma laha.” Ayuu yiri Guddoomiyaha maamulkaas Axmed Buulle Gareed.

Latest stories