HomeWararHirshabeelle oo dalbatay in si Shuruud la’aan ah loo Fasaxo kursiga Fahad...

Hirshabeelle oo dalbatay in si Shuruud la’aan ah loo Fasaxo kursiga Fahad Yaasiin

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Dowlad Goboleedka Hishabeelle ayaa war kasoo saartay kursiga Hope86, kaasi oo horay ay u hakiyeen Guddiga doorashada heer Federaal, waxaana kursigaasi ku guulaystay Fahad Yasiin, kadib doorasho ka dhacday Baladweyne. Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Maamulka Hirshabeelle ayaa lagu yiri: “Dowlad Goboleedka Hirshabeelle waxay aad uga xuntahay hakinta sharci darrada ah ee lagu sameeyay Kursiga HOP086 […]

- Advertisement -

Dowlad Goboleedka Hishabeelle ayaa war kasoo saartay kursiga Hope86, kaasi oo horay ay u hakiyeen Guddiga doorashada heer Federaal, waxaana kursigaasi ku guulaystay Fahad Yasiin, kadib doorasho ka dhacday Baladweyne.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Maamulka Hirshabeelle ayaa lagu yiri:

- Advertisement -

“Dowlad Goboleedka Hirshabeelle waxay aad uga xuntahay hakinta sharci darrada ah ee lagu sameeyay Kursiga HOP086 oo deegaan doorashadiisu tahay Dowladda Hirshabeelle.

Dowlad Goboleedka Hirshabeelle waxay cadeeyneysaa in doorashada kursigaas loo maray hannaan waafaqsan Heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 iyo habraacyadii doorashooyinka oo sax ah,  goobjoogna ay ka ahaayeen Gudiyada SEIT, FEIT iyo Gudiga xalinta khilaafaadka, wax cabasha ahna aysan ka imaanin beesha leh kursigaas iyo murashaxiintii ku tartantay sidaas darteedna ay natiijadiisu tahay mid sax ah.

Dowlad Goboleedka Hirshabeelle waxay ka digeysaa tallaabooyinka ay gudiga FEIT ku xagal daacinayaan dhameestirka doorashooyinka dalka.

- Advertisement -

Dowlad Goboleedka Hirshabeelle waxay cadeynaysaa in kursiga tirsigiisu yahay HOP086 aysan jirin wax habraac qaldan ah balse loo heysto dano siyaasadeed taasina waxaa cadeyn u ah in gudiga FEIT uu caawa fasaxay kuraastii lala hakiyay iyadoo aysan jirin wax habraac qaldan ah oo lasaxay, arintuna ay tahay anigaa qabsaday anigaana fasaxay tasoo muujineeyso kutakrifal awoodeed.

Uga dambeeyn Dowlad Goboleedka Hirshabeelle waxay ugu baaqaysaa Gudiga FEIT iney fasaxaan kursiga tirsigiisu yahay HOP086 dhowraana heshiisyadii Madasha Watashiga Qaran si looga fogaado waxkasta oo dib udhac u keeni karo doorashada Dalka”.

Latest stories