HomeWararDowladda Soomaaliya iyo Itoobiya oo yeelanaya Iskaashi la xiriira Badqabka Diyaaradaha

Dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya oo yeelanaya Iskaashi la xiriira Badqabka Diyaaradaha

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya xilgaarsiinta Duraan Axmed Faarax ayaa shir Guddoomiyay kulan ay yeesheen Hay’adaha Duulista Rayidkaa ee Soomaaliya iyo Itoobiya, oo Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa waxaa looga hadlay intii uu socday sidii dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya u yeelan lahaayeen Iskaashi dhexmara oo la xiriira badqabka iyo amniga […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya xilgaarsiinta Duraan Axmed Faarax ayaa shir Guddoomiyay kulan ay yeesheen Hay’adaha Duulista Rayidkaa ee Soomaaliya iyo Itoobiya, oo Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay intii uu socday sidii dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya u yeelan lahaayeen Iskaashi dhexmara oo la xiriira badqabka iyo amniga Diyaaradaha, iyadoona loo gogol xaaray sidii ay labada dhinac u yeelan lahaayeen Shirar kale oo lagu gaaro Heshiisyo la xariira Khibrad isdhaafsiga.

- Advertisement -

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray habka ay wada shaqayn karaan Hay’adaha Duulista Rayidka ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya, sida ay shaacisay Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada Xukuumadda.

Shirkaan ayaa waxaa qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda, Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ee Soomaaliya Axmed Macalin Xasan,   Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Itoobiya Getachow Mengiste, iyo Saraakiil ka socda labada dawladood.

Latest stories

No posts to display